Hargeysa (Geeska)- Waxa habeen hore lagu daahfuray Maansoor Hotel urur ay ku midoobeen aqoonyahano bartay aqoonta maaraynta magaalooyinka oo heer jaamacadeed ah.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka Mr. Khadar Cabdi Cawaale oo iftiimiyay ujeedada ururkan loo aasaasay iyo waxyaabaha uu ururku ka shaqayn karo, waxa kale oo uu xusay in ururka ay sameeyeen kuna midoobeen arday baratay aqoonta maaraynta magaalooyinka oo heer jaamacadeed ah, una arka in baahi wayn oo loo qabo aqoonta maaraynta magaalooyinku ay muhiim tahay, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in ururkani la shaqaynayo cida leh masuuliyada maamulka magaalooyinka Somaliland kana caawinayo arimaha aqoonta gaarka ah u baahan ee ay ka midka yihiin cilmi baadhis (research) lagu sameeyo baahiyaha dhabta ah ee jira ee khuseeya adeega dawladaha hoose u qabtaan bulshada si loogu go`aan qaato habka xalka loogu raadinayo baahidaasi, in samayn doonaan la talin (counceling), in wacyi gelin (awareness) lagu sameeyo arimaha bulshadu ay tahay inay kala shaqeeyaan maamulka dawladaha hoose ama hay`addaha u qaabilsan dawlada dhexe, in u doodid (advocacy) ay sameeyaan iyo tababaro sameeyaan iyo in ay ka caawiyaan maamulka dawladaha hoose arimaha muhiimka ah ee u baahan aqoonta maaraynta magaalooyinka. Waxa kale oo uu gudoomiyuhu cadeeyay inaanay marnaba faro gelin doonin arimaha ay dawladaha hoose u xilsaaran yahay waxaanu yidhi “ waxaan cadaynayaa in ururkani aanu faro gelinayn arimaha dawladaha hoose u xilsaaran yihiin waxa kale oo aanu caddaynaynaa inaanu ururkani ahayn urur qabanaya shaqadii maayarada ama ku doonanaya. Waxa uu hoosta ka xariiqay gudoomiyuhu in maamulada dawlada hoose ka maarmi doonaan inay dibada dalka ka doontaan khuburo ka shaqeeya arimaha khuseeya shaqadooda oo aanu badalkeedii qaban doono ururka SUMPRO.
Waxa kale oo munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha hay`adda Shaqaalaha dawlada Sharmaarke Axmed Muxumed waxa uu ku hambalyeeyay aqoonyahanada maamulka maaraynta magaalooyinka waxbarashada ay soo qaateen iyo sida ay u jecel yihiin inay dalkooda iyo magaalooyinkooda wax uga qabtaan, waxa kale oo uu xusay inay aqoonyahanadu la nool yihiin bullsho ka dayacan magaalooyinka waxyaabihii ay uga baahnaayeen isla markaana TV yada ka daawada dalal hagaajistay arimahaa isla markaana aan garanayn sidii loo gaadhi lahaa waxyaabaha ay ka daawadaan shaashadaha, waxaanu yidhi “waxa mahad leh Allaha idin waafajiyay inaad waxbarashadii dhamaysataan idinka oo mid ahna ururkan samaysaan, waxaan ku rajo waynahay inaad wax ka tartan baahida jirta, waxaad doorateen aqoon loo baahnaa waxaanad samayseen tol xirfadlayaal ah, inaad ku fikirtaan inaad midawdeen waana halka aduunyadu marayso, waxa kale oo aad u soo baxdeen bulsho ka dayacan maaraynta magaalooyinka, waxa warwar igu haysa sababta aqoontu saamayn ugu yeelan la dahay dalkeena waxaan arkaa kumanaan jaamici oo aan saamayn ku lahayn dalkeena. Waxa aqoonyahadeena qaar sameeyaan inay wax dhaliilaan oo wixii xun sawiraan waxaan jecelahay inaad ka fogaataan.
Waxa isaguna ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo hambalyeeyay aqoonyahanada maarayta magaalooyinke ee sameeyay ururkan, waxaanu ka waramay baahida loo qabo aqoontaasi, waxa kale oo uu xusay in magaalowgu (urbanization) hada uu dalkeena ku badan yahay oo ay muuqato in laga soo guuray miyigii oo dadka badankiisu soo galeen magaalooyinka Somaliland waxaanu yidhi “waxaad arkaysaa dadkii miyiga joogay ayaa magaalooyinkii buux dhaafiyay waxay saamaynaysaa xitaa dhaqaalihii khudradii la isticmaali jiray in ka badan ayaa laga isticmaalayaa magaalooyinkii, laydhkii, biyihii, cisbitaaladii iyo dhamaan kaabayaasha iyo adeega dawladu dadka u qabato waxa loo baahnaanayaa in ka badan intii hore, magaalowgu (urbanization) wuxuu u baahan yahay qorshe iyo dariiqii qorshaha lagu fulin lahaa oo heer qaran ah, urur ma samayn karo ee waa siyaasada dawladu u xilsaaran tahay”. Waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay dhamaan degmooyinka dalka iyo miyigaba inay dadku ka helaan adeega dawladu u qabato bulshada ee ay u baahan yihiin tusaale ahaan hadii ay helaan dadka miyiga joogaa adeeg caafimaad oo wanaagsan, biyo nadiifa iyo wixii la mid ahi waxay ka joojinaysaa inay magaalooyinka yimaadaan, sidoo kale hadii loo helo wadooyin u fududeeya inay keeni karaan wax soo saar kooda magaalooyinka ma dhacayso inay magaalooyinka soo degaan balse hadii ay taasi dhici waydo magaalooyinka ayay soo buux dhaafinayaan inta miyigeena ku hadhay.
Waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha fulinta ee SONSAF Maxamed Maxamuud Axmed (Barawaani) oo isaguna soo dhaweeyay ururkan la sameeyay sheegayna baahi wayn in loo qabay, waxa kale oo uu xusay in mihnadlayaashu ay yihiin waxyaabaha wadamadu isku dhaafeen, anaguna waanu soo dhawaynaynaa inaad ka mid noqotaan ururada ku bahoobay dalada SONSAF, waxa uu sheegay dalad ahaan inay dhawaan baarlamaanka ka taageerayeen xeerka qashin ururinta waxaa noo muuqday in loo baahan yahay dadkii aqoonteeda lahaa. “ waxaad ka caawinaysaan dawladaha hoose arimaha u baahan aqoonta gaar ka ah ee aanay aqoonyahankoodii hayn.
Waxa kale oo iyaguna ka hadlay xafladaasi gudoomiyaha hay`adda abaabul ka saarka Ibraahim Axmed Raabi, Maareeyaha Shirkada Maandeeq Cabdirashiid Haybe , Agaasimaha Guud ee machadka tababarka shaqaalaha Guuleed Saleebaan Hagoog, Deanka kuliyada Urban Management Cabdixakiim Cimaan Cali.