Hargeysa (Geeska)- Shir jaraaiid oo ay Qabteen uruka Qareenada JSL ee la yidhaahdo Somaliland Layers Association (SLA), ayaa Waxa ay ka hadleen arinta Muranka badan abuuray ee uruka aan dawliga hayn ee SONSAF ay dhawaan ku sheegeen in ay sameeyeen Gudiga khilaafaadka ee Dooroshooyinka. Gudoomiyah ururka qareenada oo ka hadalay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan doonayaa inaan ka hadlo laba arimood oo baryahan hadal hayntoodu badanayd labadaas arrimood oo ah arrinta Sonsaf iyo arinta uu madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho aan ku horeeyo Sonsaf waa Urur aan daawli ahayn ururada aan dawliga hayn sida caadiga ah waxa lagu maamulaa xeer Lamaber 43/ 2010 ururada aan dawlig ah waxa ka mamnuuca siyaasada in ay dhex galaan waana wax yaabaha uu ka mamnuucay xeer lamaber 43 sida ku cad qodobka 11 aad ee xeer No 43, arrimaha khilaafka doorashooyinka iyo cabashadoodaba waxa awood u leh xallintooda komishanka doorashooyinka iyo ku dhawaaqista natiijooyinka doorashooyinkaba arintaasina waxa jidaynaya xeer Lamabeer 20 ee 2001 ee xeerka doorashooyinka goloyaasha deeganka iyo Madaxtooyada xalinta khilaafadku waxay ka soo bilaabantaa goob waxay kadibna waxay u soo gubtaa degmadda hadana waxa loo sii gudbiyaa gobolka ilaa heer Qaran intaaba waxa ka hadaalaya xeerkaas, halakay cabashadu maraysana waxa soo jideeyey xeer Lamaber 20 waana awooda koomishanka Qaranka JSL.
Sonsaf sidaan horeba aan u sheegay waa urur aan dawli ahayn siyaasad iyo arimo qarana ma gali karto go,aanka ay soo saartana ma yeelanaayo awood fulineed sida uu sheegayo xeerka doorashooyinku cabashada waxa lagu cawdaa 10 cisho haday gudahood haday tahay doorashada golaha deegaanka waxa loo gudbiyaa maxakamada gobolka markay soo marto jaran jarooyinkii Go,aanadu waxay awood fulineed yeeshaan marka xeer jideeyhihii soo saaro go,aan. Sonsaf waa Urur aan Dawli ahayn awood uu qaranku u igmaday oo uu hayaana ma jirto, ururada aan Dawliga ahayni haday ka baydhaan Xeerka, xeer No, 43 oo aanay Ixtiraamin waxa laga qaadayaa ruqsada oo anshax marin ayey leeyihiin sida ku xusan xeer No 43 ee 2010 Sidaas darteed waxaan leenahay Sonsof ma laha awood ay ku magacwdo gudi awoodana ma laha Sonsaf waxay kulmisaa Ururda aan dawliga ahayn, waxaana loogu talo galay meelaha aan dawladu ka shaqaynin ama dawladu daciifka tahay laakiin Somaliland dawlada ayaa ka jirta waxa jira koomiishankii qaranka oo intaas oo doorashao ku guulystay in uu qabto oo shaqaynaya markaa gaab ay ka soo galaan iyo dawlad diciifa oo hawsheeda gabtay ma jiraan koomiishanka ayaana uga musuula hawshan oo qaranku u igmaday.
Arinta labaad waxa go,aankii Madaxweynuhu soo saaray ee uu lamabada doorasho ku kala saaray ta baarlamaka iyo madaxweynaha in dada badani ay lahaayeen waxabaa is qilaafaya oo suura gal maaha iyo iyada oo lagu sababaynayey in uu jiro go,aankii maxakamada sare,oo go,aanka maxakaada sare soo saaratay ay tiri taariikhdaas ayey doorashadu dhacaysaa isla markaana dadku leeyihiin kala saarista uu madaxweynu u kala qaaday doorashadu soo saaray waxay ka hor imanaysaa go,aankii maxakamada sare arintasi waxaba kama jiraan waayo maxakamadu waxay go,aan ka soo saaratay cabasho laba mudatmood ah oo mud ay soo saareen golaha gurtida iyo iyo mid xisbiyada iyo koomiishnaku gaadheen maxakamada sare labadaas yey ka jawaabatay waxaanay tire waxa saxa ah mudo kordhinta golha gurtida laakiin kamay hadal marlabaad lama kordhin karo Maxakamada sare may o dhanin go.aanka madaxweynuhuu ku kala saaray labad doorasho kama hor imanaayo go,aanka maxakamada sare waan arin sharciyan saxa ah mudo kordhintuna waxay ku timada baahi xeerku tilmaamay,
Sonsof ururo badan oo aan dawli ahayn iyo anagub waxa aanu ka nahay xubin hada waxa aanu ka fiirsanaynaa xubinimadii uruka sonsaf anaga iyo ururo kalaba in aanu ka siimid ahaano anaga oo kolay ka shiri doona xumnaha boodhka go,aankana dib ayaanu idiinka soo sheegi doona sababtoo ah nidaamkii aan dawlig ahayn iyo xeerkii lagu dhaqayey ka baydho waxa noo qorshe ah waanu ka fiirsan doona arintaa