Akhriste, Dheeho Aragtiyaha Shacabka Gobaladu Ka Bixiyeen Xeerka Doorashada Wakiilada

0
680

1Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu akhristayaashiisa halkan ugu soo gudbinayaa warbixin ay soo diyaariyeen guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada golaha ee golaha wakiilada oo ku saabsan diyaarinta iyo qabyo tirka xeerka doorashada golaha wakiilada Somaliland, iyagoo islamarkaana tallo soo jeedin ku sameeyay mawduuca xaasaasiga ah ee saami qaybsiga.

Guddigaas ayaa warbixinta ay soo diyaariyeen waxa uu golaha wakiiladu u gudbiyay madaxweyne Siilaanyo.

Sida warbixinta guddiga ku cad, arimaha ugu muhiisan ee Guddigu wada-tashiga kala yeeshay bulshada waxay ahaayeen:

Saami qaybsiga Kusaarta Golaha Wakiilada ee obolada Somaliland

Kootada haweenka 

Kootada dadka laga tirada badan yahay

Iyo Wixii kale ee ay ula muuqato inay qabyo ka jirto Xeerka si loo helo Gole tayo ahaan iyo waxtar ahaanba ka sarreeya Kan maanta fadhiya.

Ujeedada guddiga ayaa ahayd in xog-ururin iyo kulammo wada-tashi ah la yeesho qeybaha kala duwan ee Dadweynaha ku kala dhaqan Lixda Gobol ee Somaliland si loo qabyo-tiro lana dhamaystiro Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada isla mar ahaantaan Gole-waynahu u ansixiyo  xeerka, madaxweynaha qarankuna u dhaqan-galiyo.

Haddaba, warbixinaha guddigaas ay ka soo diyaariyeen gobalada Somaliland ee Awdal, Saaxil, Togdheer, Sool Sanaag iyo Maroodi-jeex.

Gobolka Awdal:

2dii March 2016, waxa ay Guddigu xog-urursi ka samaysay oo ay kulamo la qaadatay qeybaha kala duwan ee bulshada Sida Madax dhaqameedka, Sallaadiinta/Garaadda/Boqorada, Cuqaasha, Culimada, Waayeelka, Wax-garadka, Bulshada Rayidka ah, Indheer-garadka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Dhalinyarada ee Gobollka Awdal.

Bulshada Awdal waxa ay mawqif midaysan oo ay meel adag ka istaageen kana dhiibteen fikirkooda la xidhiidha arrinta saami-qeybsiga kuraasta ay saami ahaan ku leeyihiin Golaha Wakiillada, Waxa ay soo bandhigeen in aanay bulshada Gobolka Awdal ku qanacsanayn saamiga kuraasta ay ku leeyihiin Golaha Wakiilada Waxa ay sheegeen in ay horena u qaadaceen saamiga markii lagu jiray dejinta Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee 2005tii, wakhtigana ay qaadacayaan ka qeyb-galka doorashada haddii aan xal loo helin tabashada ay ku doonayaan saamiga kuraasta ay tabanayaan, Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen iskuna raacsan yihiin inay helaan 40% kuraasta Golaha Wakiilada, beelana lagu qaybsado kuraasta Golaha

Wakiilada,Dastuurkana lagu qoro saamiga ay doonayaan. Sidoo kale In la meel mariyo arrinta kootada Haweenka guud ee Dalka taas oo ay soo jeediyeen in qiyaas ahaan la meel mariyo inta u dhaxaysa boqolkiiba Toban illaa Labaatan (10% to 20%) tirada guud ee kuraasta Golaha Wakiilada in loo xidho Haweenka lixda Gobol ee Dalka. Waxa ay afkaar kala gadisan ka dhiibteen arrinta kootada dadka laga tiro badan yahay, taas oo ay ku kala duwanaayeen oo afkaarta qaar sheegeen in ay tartamaan kuwo kalena sheegeen in la siiyo kuraas cayiman (kooto)

Gobolka Togdheer:

20-kii March 2016, Guddigu waxay u kici timeen Gobollka Tod-dheer. Waxa ay guddigu kulamo wada-tashi la qaateen Sida Madax dhaqameedka, Sallaadiinta/Garaadda/Boqorada, Cuqaasha, Culimada, Waayeelka, Wax-garadka, Bulshada Rayidka ah, Indheer-garadka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Dhalinyarada ee Gobolka Tog-dheer. Bulshada Gobollka Tog-dheer ayaa iyaguna saluugsan saamiga-kuraasida ee uu Gobollka Tog-dheer ku leeyahay Golaha Wakiillada, Waxa kale oo ay soo jeediyeen in xalka ay ku qanacsan yihiin yahay saami qaybsiga kuraasta lagu saleeyo tirada dadka ee Gobol kasta ku nool

Hase ahaatee, waxa Haweenka iyo Odayaasha Gobollka Tog-dheer aragti kala duwan ka bixiyeen kootada Haweenka, Taas oo ay inta badan ee madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Gobolka Tog-dheer qaadaceen, halka Haween waynaha Tog-dheer ay soo jeediyeen in la hirgeliyo kuraasta kootada ah ee haweenka ee Golaha Wakiilada taas oo ay soo bandhigeen in guud ahaan ay haweenku ka noqdaan boqolkiiba Shan iyo toban (15%) tirada guud ee Golaha Wakiilada. Waxa ay aragtiyo kala duwan ka yidhaaheen arrinta kootada dadka laga tirada badan yahay oo ay qaar ka mid ah bulshada Tog-dheer soo jeediyeen inay ka qeyb-qaataan tartanka, halka qaar kalena sheegeen in loo xidho kuraas cayiman haddii ay suurto-gal tahay  La soco………..