Ururka Mujaahidiinta Sooyaal Oo Sheegay Inaan Laga Talo Galin Xafladda 18 May

0
491

 “Hadaanu nahay J.M. Sooyaal lanagama qaybgalin xubina lanagama darin gudida qabanqaabada maalinta qaranimada jsl ee xuska 18 May,taas oo ay ahayd in aanu anagu kow ka noqono jimciyad ahaan maadaama aanu nahay dadkii dhaliyay xurnimada la xusayo, waxaanu la xidhiidhnay oo aanu qoraal u qornay gudida qabanqaabada oo aanu kaga codsanay wadashaqayn xuska 18 May ah anaga oo iskayo isu xilqaanay, wax jawaab ahna namaysiinin. Hadaba sidaas oo ay tahay waxaa maalmahan lagu arkaayay isgoyska wasaaradda maaliyadda sawiro kooxo Mujaahidiintii SNM ah oo iskugu jira kuwo nool iyo kuwo dhintayba, sawirada mujaahidiintan oo bilaa magacyo ah taas oo sida muuqata ay dhajiyeen dad aan aqoon u lahayn hadaba sawiradani waxa ay dhaliyeen buuq iyada oo sida jaraa’idada qaarkood qoreen ay dhaliileen dadweynuhu qaabka loo soo dhajiyay ee bilaa maamuuska ah.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aan waxba lanaga waydiin Sooyaal ahaan iyadoo lama dhaafaan ahayd in lanagala tashado anaga oo cid kasta uga fara dhuudhuuban kana mid tahay shaqooyinka J.M. Sooyaal, hadaba dhaliishaa waxa leh cidii dhajisay.

Mujaahidiinta SNM waxa ay u baahan yihiin waxqabad muuqda ee uma baahna sawiro lagu xardho jidadka maalmaha cidi muraad leedahay.

Wixii taariikh iyo sawiro ee ku saabsan halgankii Mujaahidiintii SNM, Jimciyada Sooyaal baa u qaabilsan, ma jirto cid kale oo hawshaa gali kartaa dawlad hoose iyo mid dhexe toona oo aanay Sooyaal la ogayn. 

Waxaanu ku soo gaba-gabaynaynaa in cid kasta lagu ixtiraamo shaqadeeda”.

Xasan Cabdi Maxamed

Gudoomiyah J. M. Sooyaal