Cusbitaalka International Oo Xaflad U Qabtay Arday Dhamaystay Tababar Muddo Lix Bilooda U Socday

0
605

cusbitalHargeysa(Geeska)- Shalay Maamulka cusbitaalka Hargeisa International  Hospital, ayaa xaflad u qabtay ay ku  maamuusayeen Arday Dhamaysatay Tababar usocday muddo lix bilooda.  Xafladda waxaa kasoo qayb galay maamulka kulliyadda shaafi, macalimiinta, maamulka cusbitaalka, maamul kasocday hargeisa Nursing school,  shaqaalaha iyo hawlwadeenada dhaktarka Hargeisa Hospital. Xafladda waxaa ugu horeyn kahadlay maamulka cusbitaalka Hargeisa Hospital Dr.Abdul Alleem Dulba oo ka hadlay muhiimada ay leedahay barashada caafimaadka, doorka ay dhakhaatiirtu kuleedahay wacyigelinta, daweynta iyo taakuleynta dadka buka sidoo kalena ku amaanay kulliyadda caafimaadka ee shaafi doorka ay ka ciyaaraan horumarinta iyo baridda dhalinta Somaliland caafimaadka qaybihiisa kaladuwan, xidhiidhka cusbitaalka iyo kulliyadda shaafi ugu danbeyntiina uhanbalyeey ardayda dhamaysatay barashada caafimaadka in ay aqoonta ay barteen ku lamaaneeyaan akhlaaqda wanaagsan, xafladda sidoo kale waxaa ka hadlay Dr.Abdifatah Maxamed Cabdi oo isna ah madaxa academiyada ee kulliyadda shaafi oo isna umahad celiyey sida wanaagsan ee ay maamulka cusbitaalka Hargeisa Hospital ugarab istaageen ardayda muddada ay baranayeen waxbarashada sidoo kalena ku bogaadiyey dhiirigelinta iyo sida wanaagsan ee ay markasta ugu heelanyihiin in ay kaalin weyn kaqaataan tababaradda lagu xoojinayo aqoonta ardayda bahda caafimaadka.

Gebo-gebadii waxa maamulka shaafi  Maxamed Xirsi Cali iyo Maamule kuxigeenka Kulliyadda Shaafi Cabdicasiis Haaruun Maxamed iyo maamulka cusbitaalka Hargeisa International Hospital Dr.Abdul Alleen Dalaba ay shahaadooyin kugudoonsiiyeen Ardaydii Dhamaysatay Tababarka.