Ururka Midnimada Somaliland Oo Shalay Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

0
977

 

sheekhWaxa mahad iska leh illaaha wayn, intaa ka dib waxaan mahad balaadhan u soo jeedinayaa inigoo fursadan ka faa’idaysanaya, madaxwaynaa Jamuuriyada Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gacanta u galayay ka soo talo bixinta furashada ururada siyaasada bulshada. Taas oo ah arin si fiican loogu fiirsaday iyada oo loo saaray guddi isku dhafan oo aqoon yahano ah, markay lafo gureen isla markaana afkaarta dad waynaa ay qiimeeyeen waxa ay soo saareen, waxay dad waynaa Somaliland gudo iyo dabadba ay ku farxeen, taas oo ah in lafuran karo ururo siyaasadeed oo cusub taas oo wax wayn ka taraysa hirgalinta dimuqraadiyada, sinaanta, hogaaminta dalka iyo asxaabta.

Sidaa darted waxaan warbaahinta u gudbinayaa bushaaro aan u sido reer Somaliland iyo siyaasiyiinta wata afkaarta iyo maskaxaha cusub ee ku salaysan horumarka iyo ka midho dhalinta himilada Somaliland.

Ujeedooyinka loo aas-aasay SSP Somaliland Solidarity Party

In la mideeyo afkaaraha dadka maskaxda fayow

In laga suuliyo Somaliland qabyaalda, xigtaysiga iyo nin jeclaysiga

In lahelo xisbiyo dhalinyartu door wayn ku leedahay

In la helo xisbiyo ay saldhigyo utahay dimuqraadiyada iyo waxa uu islaamku ogal’yahay.

Inaanu ahayn xisbi hanti lagu urur-sananayo

In hoggaanka xisbiga loo dhiibo cid kasta oo u qalanta hogaanka xisbiga iyadoon loo eegayn, qoys iyo qolo-toona               

Talo Soo Jeedin

Waxaan baarlamaanka iyo guurtida ka sugaynaa in ay xeerka xisbiyada sida ugu dhakhsaha badan u soo saaraan. Taas oo wax wayn ka taraysa diyaar garawga koomishanka iyo xisbiyada ee doorashooyinka soo fool leh. In koomishanka loo xil saaro kalasaarista xisbiyada, halka laga magacaabi lahaa gudi aan la garanahayn waxa ay soo saari doonto, taas oo ah culays hakin kara wakhtiga doorashooyinka. Bulshada waxaan u soo jeedinaynaa in la aas-aaso xisbiyo ka fog qabyaalda iyo qoysnimada, balse dadku ay ku midoobaan afkaarta iyo ididilooyinka shakhsiga ah.

Xasan Cabdi Maxamed

Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee ururka

Somaliland Solidarity Party SSP

Contacts:- 4480836

Email:- Xasan998@hotmail.com