Ururka Khudradlayda Iidaan Oo Ka Hadlay Qiimaha Sarifka Doolarka Ee Sare U Kacay

0
503

Hargeysa (Geeska)-Ururka Khudradlayda Iidaan ee Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa,ayaa walaac xoogan ka muujiyey qiimaha sarifka lacagta doolarka ee sare u kacday, waxaana Ururkani sheegay in qiimahan sare u kacay ay sabab u tahay maasuliyadeedana ay leedahay Xukuumaddu.

1

Guddoomiyaha Ururka khudradlayda Iidan Cabdifataax Aw Axmed Muxumed,oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale Madaxweynaha baaq u diray, waxaanu ugu baaqay in qiimahan sare u kacay ee sarifka wax ka qabto, waxaanu yidhi "Laba abaarood ayaa dalka ka jira,abaari waa abaarta ILLAAHAY keenay, Alle ha inaga dulqadee,abaarina waa abaarta sicir-bararka taagan iyo qiimaha doolarka ee sare u kacay oo ay sabab u tahay Xukuumaddu,sababtoo ah markii uu Madaxweynuhu tagay Gobolada Barri,lacag aad u badan ayaa la soo saaray,lacagtaas oo loogu talagalay Goboladaas iyo in abaaraha wax lagaga qabto,dib ayey ugu soo noqotay suuqyadii,sababtaas ayaana keentay in doolarku cirka isku

shareero,maceeshadiina sicir-barar ayaa ku yimid,markaas dadkii masaakiinta ahaa iyo ganacsatadii yar yarayd dhib xoogan baa soo waajahday, tusaale ahaan anaga waa nagu dhib maxa yeelay madaama khudradu nooga timaado Itoobiya,bir iyo doolar baa la isku bedelaa,markaas madaama imika sarifkii doolarku sare u kacay wey adag tahay in la isku bedelo".

Guddoomiyaha Ururka Iidaan isagoo Madaxweynaha fariin u diraya ayaa yidhi "Madaxweyne Wasaaraddii Maaliyadda iyo Baankii looga baahnaa inay qiimaha sarifka doolarka wax ka qabtaan wey ka seexdeen weyna ku

fashilmeen,Madaxweyne Wasiiraddii iyo dadkii looga baahnaa inay dhibkan taagan wax ka qabtaan olole aan loo joogin bay galeen,xilkoodiina wey gabeen,markaas Madaxweyne waxaanu kugu baaqnayaa in dhibkan taagan aad wax ka qabato oo aad si toos ah u soo gasho,maxa yeelay lama ogola in doolarku jabo,waa la isku jaakidhaya,dadkii dan yarta ahaana wey dhiban yihiin ee Madaxweyne dadkaaga u soo gurmo,oo dhibkan si toos ah wax uga qabo cidna ha ku halayn"