Hargeysa(Geeska)-Munaasibaddan casho sharafta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka qabsontay Royal Hotel Ee Magaalada Hargaysa . Waxaana Munaasibaddan ka soo qeyb galay Masuliyiinta Ururka Haldoor oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Uruka Haldoor Deeq Cismaan , Afayeenka Ururka Haldoor Abwaan C/raxman Dubbe , Khasnajjiga Ururka Cabdi Nuur Maxamed Carab, Xoghayaha Ururka Nadiira Daahir Bootaan , Xubnaha Ururka Haldoor ee Reer Uk , siyaasiyiin, aqoonyahanno, wax-garad, culimo awdiin iyo Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada C/rashiid Ismaaciil , Wasiir ku Xigeenka Qorshaynta C/kariin Axmed Mooge , Xildhibaan Siciid Maxamed LIbaaxo , iyo Masuuliyiin kale .
Agaasimaha Guud ee Ururka oo halkaas ugu horeen ka hadlay isagoo sheegay in ururka Haldoor yahay urur samafal oo ka madax-banaan siyaasadda, ‘’Ururka Haldoor waa urur dhalinyaro waa urur mutadawiciin ah, waa urur samafal oo u istaagay horumarka dalkooda iyo dadkooda iyo wax u qabashadka bulshada tabaalaysayn iyo horumarinta waxbarashada’’ Sidoo kale agaasimaha oo si watta hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku darya “ Ururka Haldoor wuxuu doonayaa in u fuliyo mashruuc ay ku kacaysoo 500,000 Dollar (Shan Boqol Oo Kun Oo Dollar) Ku Darsoo lacagtaa hay’ad bixin mayso shirkadna bixin mayso , dawladna bixin mayso ee waxaanu ka bixinaynaa Jeebka Dhalinyarada 1 dollar ama 2 Dollar ee jeebkooda ku jirta oo ay isku gee geeyeen oo ay doonayaan in ay wax ugu qabtaan dadkooda iyo dalkoodaba ” Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay Garaad Mahad Maxamed Oo ku hadlayay afka dhaqanka, waxaanu amaan balaadhan u jeediya ururka isagoo ku ammaanay waxqabadkooda dhanka waxbarashada ‘’ ururada kale waxaanu leenahay ururkan halagu daydo wax wanaagsan ayuu soo jeediyee halagu daydo’’ ayuu yidhi garaadku. Geesta kale iyaduna waxa halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Haldoor Ee Qaaradda Yurub Sahra Xassan waxaanay qurbojoogta ugu baaqday in ay ka qeyb qaataan dhisitaanka dugsiga farsamadda gacanta ee Maxamed Mooge, ‘’ Anagu waxaanu diyaar u nahay in aanu iskuulkaas wax ka qabano wax kasta oo ay nagu qaadanayso, ummada reer Somaliland’na waxaanu leenahay kasoo qayb-qaata ” Sidoo kale isna waxa halkaasi ka hadlay Cabdiwahaab Xaaji Cumar oo kasocday jaaliyadda USA ee Haldoor waxaanu si wayn ugu dheeraaday qiimaha ay ledahay Farsamada Gacantu isagoo dhiirigaliyay farsamda Gacanta waxaanu yidhi ‘’Farsamada gacanta cidna uma baahnid ee dubahaaga uun ayaad u baahantahay ’’ ayuu yidhi cabdiwahaab Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda qorshaynta Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaana hadaladiisii ka mid haa “ iskuulkan waa kii loo baahnaa, meesha aad u doorteen ee xaafadda maxamed moogana waa meeshii looga baahnaa , waa xaaafad ku suntay qof dalkan usoo halgamay, markaa abaal ayay ku leedahay dhamaan dad reer Somaliland oo ay u kacaan, haldoorna waxaan leeyahay gacmaha fidiya si markaa mashruuca maxamed mooge la iskuugu tago oo aynu uga faraxalano, kii sheikh nuur, kii berbera iyo kii ceerigaabiyo aynu u sammeyno’’ ayuu yidhi Wasiir C/kariin Axmed Mooge. Sidoo kale dadkii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Sheikh Maxamuud Axmed Dalmar iyo masuuliyiin kale waxaanay Dhamaantood ku dheeraadeen qiimaha ay leedahay Farsamda Gacanta . Ugu danbeentii waxaa Munasibadaasi soo gabogabeeyay Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada C/rashiid Ismaaciil waxaanu bogaadiyay Ururka Haldoor oo uu ku tilmaamay in uu yaahy Urur Dadaal badan oo wax qabad Muujiyay Sido kale wasiirku wuxuu soo dhaweeyay DHismaha Dugsigan Farsamda Gacanta oo ururka Haldoor Hirgalinayo waxaanu xukuumad ahaan Ballan qaaday in ay kaalintooda ka qaadan doonaan . Gabagadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Xubno ka tirsan bulshada oo uu ururka Haldoor u aqoonsaday Saddexdii qof ee ugu wax qabadka Badnaa dhanka Arrimaha Bulsha waxana ay kala ahaayeen Masuliyiinta la sharfay Ex-wasiir Cali-sanyare Ahna Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad . Wasiir Cabdikariim Axmed Mooge iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo, Sidoo kale waxaa shahaado Sharaf lagu maamusay xubnaha Qurbo joogta ah ee Reer UK .