Ururada Samofalka Oo Ka Hadlay Xeerka Hay’adaha Iyo Qodobo Kale

0
2366

 

 

andHargeysa(Geeska)-Ururada samofalka Somaliland ee uu fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadleen xeerka loo sameeyay hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga iyo arrimo kale.

Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Geeska Afrika, ayaa waxa ay ururadaas samofalka Somaliland ku bogaadiyeen hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay sida ay gacanta u siiyaan xukuumadda Somaliland iyo ururada wadaniga ah, waxaanay hay’adaha ajaanibka ah ee dalka jooga ugu baaqeen inay ku daydaan hay’adaha kala ah  Novib Netherland, CARE International,  ISF. Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan:  “Ururrada Samofalka Somaliland waxa ay qirsan yihiin ahmiyadda uu leeyahay Sharciga Ururrada aan Dawliga Ahayn  ee Goleyaasha Qaranku dhowaan ansixiyeen, doorka uu ku yeelan karo wanaajinta shaqada iyo gudbinta gargaarka ay maamulaan ee loogu talo galy bulshooyinka baahida u qaba in la taageero. Sharcigu, sidaas oo kale,  waxa uu xoojinayaa iskaashiga iyo hufnaanta ka dhexeeya daneeyeyaaha ay ka dhexayso wada-shaqayntu.  Sidaas daraadeed, waxaannu rumaysannahay in Sharcigani habboonaa in xilli hore soo baxo. Sidoo kale, waxa aanu ku bogaadinaynaa Xukuumadda Somaliland  soo-saaridda Sharciga.

 

Si la mid ah taas, waxa aannu ku bogaadinaynaa Ururrada Caalamiga ah ee aan dawliga ahayn (INGOs), Ururrada Qaraamaha Midoobey iyo Deeq-bixiyeyaasha, gacan–siinta ay Xukuumadda Somaliland iyo Ururrada Wadaniga ah ee aan Dawliga Ahayn ku gacan siinayeen, 20kii sano ee tegay, oo isugu jirtay taageero dhaqaale iyo mid farsamo si loo gargaaro bulshooyinka Somaliland.

Waxa jira in Ururrada Caalamiga ah ee aan Dawliga ahayn, kuwa Qaraamaha Midoobey iyo Deeg-bixiyeyaasha qaarkood dareen ka muujiyeen qodobbo ka mid ah Sharciga cusub.  Dhinaca kalena, Mas’uuliinta Xukuumadda waxa ay ku celceliyeen in ula-jeeddada Sharcigu aanu ahayn in uu turun-turro ku noqdo qaabka ay u shaqeeyaan Ururradaas aan Dawliga ahayni, bal se “uu xaqiijinaayo in gargaarka dalka soo gaadhaya in si hufnaani ku jirto iyo wax-ku-oolnimo loo maamulo” iyadoo la waafajinaayo Qorsheyaasha Horumarineed ee Waddanka.

 

Waxaanu  garab taagannahay cid kasta oo danayneysa  wax-qabadka iyo xoojinta mugga shaqo ee Ururrada Waddaniga ah. Sidoo kale, waxa jira ururo Caalami ah oo qiray doorka muhiimka ah ee Ururrada Wadaniga ah ay ka ciyaari karaan dhismaha iyo horumarinta dalka; isla markaana qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ay ku dhisayaan mugga shaqo ee Ururrada Wadaniga ah. Kuwaas waxa ka mid ah Progressio,   Novib Netherland, CARE International,  ISF iyo qaar kale, waxana habboon in hay’adaha kale ee Caalamiga ahi ku daydaan kuwaas.  Ururrada Wadaniga ah shaqadoodu waa mid aanu saarnayn khash-duleed (overhead cost) badan oo hantida inteeda badani gaadhi karto dadka loogu talo galey, waxay kaloo yihiin qaar ku dhow bulshooyinka loo adeegayo, xaaladahoodana og. Sidoo kale wax-qabadkoodu waxa uu qayb ka qaadan karaa joogtaynta mashaariicada iyo waaritaankooda.  Haddaba kordhinta tababarrada iyo wada-shaqaynta Ururrada

 

Waddaniga ah ayaa sidoo kale xoojin karta ururradaas.

Sidaas awgeed, waxaanu soo jeedinaynaa in qorshe cad loo dejiyo sidii aqoonta iyo mugga wax-qabad ee Ururrada Wadaniga ah loo dhisi lahaa, si waafaqsan Qodobka 35 (1) ee Sharciga NGO-yada, kaas oo dhiirri gelinaaya in la maal geliyo Ururrada Waddaniga ah, isla markaana ay Ururrada Caalamiga ahi iska ilaaliyaan in ay tartan kula galaan howlo ama mashaariic ay kuwa Waddaniga ahi qaban karaan. 

 

Dhinaca kale, Sharciga NGO-yadu waxa uu abuurayaa in uu sii xoojiyo meelaha ay  Ururrada Wadaniga ahi ku xooggan yihiin, isla markaana waxa uu kaabayaa ama ka dhisayaa meelaha ay ku liitaan, iyadoo uu Sharcigu ka yeelsiinayo inay ahaadaan qaar lala xisaabtami karo oo shaqadooda si hufan u qabsan kara.

 

Waxa  arrin lagu farxo ah  in wada-hadal uu dhex marayo dhinacyada uu khuseeyo Sharcigu, isla markaana ay rabaan in is-af-garad lagu dhammeeyo waxyaalaha lagu kala duwan yahay.

 

Waxa aannu rumeysannahay in Sharciga loo sameeyey in uu habeeyo kaalmooyinka soo gelaaya dalka, sharcinimada Ururradana (kuwo  gudo iyo qaar caalami ahba) sugo, xoojiyona is-kaashiga, wada-shaqaynta, xog-is-dhaafsiga iyo wada hadalka ka dhexeeya daneeyeyaasha.

 

Magacyada Hay’adaha:

NAGAAD women umbrella organization

SONYO Youth Umbrella organization

COSONGO (Consortium of Somaliland non-governmental Organizations)

SomalilandHIV/AIDS Network (SAHAN)

Candlelight for Health, Education & Environment

Agricultural Development Organization (ADO)

Horn of Africa Youth Development Organization (HAVOYOCO)

Committee of Concerned Somalis (CCS)

Comprehensive CommunityBased Rehabilitation in Somaliland (CCBRS)