Hargaysa( Geeska )- Ururka Q 8 Somaliland oo ka jira dalka Kuwayt ayaa gaadhsiiyay masjidka Ina Weerar ee magaalada Hargaysa deeq lacageed.
Ururkan ayaa magaalada Hargaysa ku soo gaadhsiiyay masjidkan lacag uu ugu deeqay, masjidkan oo ah mid uu ku socdo dhisme, isla markaasna hore loo dhisay laba dabaq oo hore. Waxaana ururka iyo culimada Masaajidka gacanta ku haysa isku xidhay Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Xiirey (Aadan-Siiro) oo goob joog ahaa markii lacagta lagu wareejiyay imaamka Masaajidka.
Iimaamka masaajidkan Ina Weerar Sheekh Cabdiraxmaan Daahir Cabdilaahi ayaa si rasmiya ugu guddoomay 550 Doolar haween ka socday ururkan Q 8 Somaliland oo iyagu deeqadan ugu talo galay in lagu kordhiyo lacagta lagu dhisaayo masjidkan, oo ku yaala ka soo horjeedka suuqa Gobonimo ee magaalada Hargaysa.
Waxaanay haweenkan gaadhsiinayay masjidka deeqa sheegeen inay lacagtaas ugu tabaruceen masjidka Ina Weerar ee magaaladda Hargaysa si dhismahiisa loogu sii kordhiyo.
Comments are closed.