Umaddu Hadal Uma Baahna Ee Wax Qabad Bay U Baahantahay”

0
1169

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in aanay umaddu u baahnayn hadalo la isku tuur-tuuro, balse ay u baahan yihiin in wax loo qabto, .

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan,  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya mashruuca la dhagax dhigay ee Berbea Cooridoor, ayaa yidhi  “Mashruucani wuxuu ahaa markii hore mashruuc ay EU-du maal galinayso, oo waddo cusub in la sameeyo ayey ahayd, kana uu ka gadisan yahay oo Mashruucani waa Mashruuc ku lamaana heshiiskii Saldhiga, waana soo dhaweeynayaa in Waddadan cusub la dhagax dhigo”.

Mar uu ka hadlaayey 400 ee mitir ee Dekadda lagu kordhinaayey ayaa yidhi “Muddo badan baanu ka hadlaynay oo aanu lahayn wixii lagu heshiiyey badka ha la soo dhigo, oo ha la bilaabo, Dekadiina wali wax laga bilaabay ma jirto, oo waa tii dhagax la dhigay, walina dhagaxii baa yaala, waxaa la leeyahay muddooyinkan ayey wax bilamayaan, oo wax waa la wadwadaa, laakiin shaqo toos u bilaamatay ma jirto, sidii dhagaxa loo dhigay shaqo kale oo ka soo korodhay ma jirto, meelo la xaadhaadhay wey jiraan, laakiin shaqo toos u muuqatay oo la bilaabay ma jirto, ee heshiiskii Dekaddo waa muddo dhaafa, ee waa in shaqadii la bilaaba, haddii aanu nahay Xildhibaanadii Gobolka Saaxil laga soo doortay, ha fulaan wixii lagu heshiiyey, Dekadduna yaanay inaga noqonin dhagax meel la dhigay, oo aan dib loogu noqon, waayo mashaariicdu wey is kaabaysaa, Waddada, Dekadda, Madaarka, iyo Free Zone-ka, waa mashaariic is kaabaysa,haddii mashariicdaasi bilaamaaan oo ay dhammaadan, qaranka Somaliland wax badan bay u taraysaa, oo faa’iido badan baa inaga soo galaysa”

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii Madaxweynaha ee uu kaga hadlaayey Gobolada Barri ayaa yidhi “Umaddu hadal uma baahna ee wax qabad bay u baahan tahay, 30 sanno ayeynu maraynaa, dadkuna waa dad faqiir ah, markaas hadal la isku tuur-tuuro iyo hadal la sarifo taag looma haye, qarankani wax qabad buu u baahan yahay, waad arkaysaa oo Magaaladii Hargeysa, waddo aynu xatta aynu marno ma jirto, waddo la’aanta, dhibaatada iyo rafaadka ka taagan weynu arkaynaa, Madaxweynuhu haddii uu waddo dhagax inoo dhigo dadku iyagaa iskaa wax u qabso ku dhisan lahaa, dadku hogaamin iyo in la jiheeyo ayey u baahan yihin ee hadal uma baahna, markaas halkaas wax macno badan leh oo ku jira ma arko, ee dadku jiheeyn, wax qabad iyo in dhibaatada laga saaro ayey u baahan yihiin, hadal iyo yoon-yoontan uma baahna”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here