Umad Kastaa Waxa Ay Leedahay Dhaqanka Maamulkeeda Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray

0
827

Taariikhda Islaamka ayaa axa laga sheekeeyaa in xiligii ay talada hayeen madaxdii umawiyiinta ee kala danbeeyay ayaa midba wax ayuu caan ku ahaa, Waliid binu cabdulmaalik waxa uu caan ku ahaa dhiska isagaa ayaa dhisay masaajid badan oo taariikhiya xiligiisii dadku waxa ay iska waraysan jireen maxaad dhistay ama maxaad dhisatay, Sulaymaan bin c/maalik iyo Hishaam bin c/maalik midna waxa uu ahaa nin guur badan, midna waxsa nin cunto badan xiliyada waxa layska waraysan jiray marna arimaha guurka marna xafladaha cuntada, markii uu talinayay Cumar bin ca/casiis waxsa uu ahaa nin ilaahay ku xidhan oo cibaado badan oo cadaalad ku sifoobay dadku toosni, cadaalad iyo khayrka guud ee umadda ayay iska waraysan jireen. Waxa marag ma doon ah oo taariikhda oo dhan laga baranayaa in umad kasta maamulkeeda muraayadii dalka ahi kolba sida ay u dhaqaan, aad u raadaynayso umadda. Hadii madaxdu u dhaqaaqdo xaga cadaalada urn sheega ballankii ay umada lagaleen ee ay ku dhaarteen oo ay ka dhabeeyaan, waxa hubaal ah in bulsha wayntu kaga dayaynayso, hadii se loo dhaqaaqo boob hanti umadeed, musuqmaasuq eex, nidaam xumo xafiisyada iyo bulshawyanta waxa ay la jaanqaadaysaa wadadaa loo jeexay. Xadiis daciif ah ayaa yidhaa, Rasuulka ayaa yidhi mar ay dagaal dhig ku daatay ka soo laabteen “waxa aynu ka soo laabanay dagaalkii yaraa waxaana ina sugay dalkaalkii waynaa” waa dagaalkii nafta lala dagaalamayay, ee dulmiga iyo tacadiga dadka laga ilaalinayay. Somaliland maanta halgankii waynaa waa ay ku guulaysatay waxa se horyaal halgankii nafta, musuqmaasuqa, maamul xumada daacad darada, ka dhabaynta wixii umada lagula heshiiyay ee lagu ballan qaaday ilaalinta isku duubnida, iyo cid kasta oo cadaalad halkeeda ku dareenta. Nin maraykan ayaa hadal xikmad badan  oo taariikhiya ka tagay inkasta oo aano imika hor oolin, waxa uu yidhaa “ xukuumadu waa macalinka way nee meel walba jooga, umaduna khayr iyo shar kolba xagii ay ku hagto ayuun bay u dhaqaaqaysaa”

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray