Ujeedada Wefti Ka Socda Dawladda Itoobiya Oo Shalay Hargeysa Soo Gaadhay

0
602

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Abdeeq,  ayaa  shalay madaarka Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay wefti ka socda dalka Itoobiya.

1

Weftigan Itoobiya ayaa ka qayb geli doona  shir sanadle ah oo ay wada yeeshaan dawladaha Somaliland iyo itoobiya isla markaaana lagaga hadlayo sidi loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dawladood.

Waxaana soo dhawayn kadib ugu horeynba halkaas  ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibadda Somaliland oo yidhi ‘Waxaan soo dhawaynaynaa wafti balaadhan oo ka socda dawlada aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waftigan oo ujeedadoodu tahay ka qayb gallka shir kasta oo ay labada dawladood wada qaadan jireen oo sanadle ahaa kuna saabsanaa sdii ay iskaga kaashan lahaayeen labadan dawladood dhanka waxbarashada,caafimaadka, wadooyinka, ganacisiga, waxaana waftigan oo aad u baaladhan hogaaminaya ambassador Selamon  aad iyo aad ayaan usoo dhawaynaynaa waxaana kale oo waftigan la socda safiirkeena itoobiya u fadhiya Somaliland ambassador Maxamuud, waxan kusoo dhawaynaynaa qalbi furan, daacadnimo, wada shaqayn waana dalka kaliya ee aynu sida xooga ah iskugu xidnanay soo dhawaada Ayaan leenahay wafitga”sidaas ayuu yidhi agaasimuhu.”

Isagoo agaasimuhu ka hadlaya wasaaradaha Itoobiya ee ay weftigani ka koobanyihiin wuxuu yidhi “Shirkan sanad kasta waa dhacaa horena waa u dhaci jiray sanadkana wuu qabsoomayaa, waftigana waxay ka koobanyihiin  dhamaan wasaaradaha dawlada Itoobiya waxaan leenahay kusoo dhawada dalkiina;  isku mid ayaynu nahay waxyaalaha ugu way nee aynu kawada shaqaynaana waa dhanka amaanka.

Hoggaamiyaha weftiga Itoobiya oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay dawladda Somaliland iyo shacabkeeda, waxaanu sheegay in shirka labada dawladood socon doono laba maalmood, iyadoo shirkaas lagaga hadli doono dhiancyada dhaqaalaha, horumarinta bulshada labada dal iyo ammaanka.