Guddiga Gurmadka Abaaraha Ee Gobalka Hawd Oo Deeq Gaadhsiiyay Dadka GobalkaasDeegaanadaa

0
788

Hargeysa(Geeska)-Gudida Abaaraha Gobolka Hawd Ee Gurmad ayaa Deeq Raashin iyo Biyo ah Gaadhsiisay Deeqaanada hoos yimaada Gobolkaas.

1

 Gudida Abaaraha Gobolka Hawd Ee Gurmad Oo Deeq Raashin iyo Biyo ah gaadhsiisay Deeqaanada hoos yimaada Gobolka , waxaanay deeqdaas oo ay iska soo ururiyeen dadka deeganka u dhashay ee ku kala sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba loo qaybiyay 16 magaalo oo ku kala dhaqan saddex waddo oo ka mida wadooyinka gobolka Taga,  waxaana deeqdan oo ay weheliyeen booyado dhan 40 booyadood oo biyo ah la gaadhsiiyay  532 qoys, waxaana deeqdan la gudoonsiiyey magaalo kastaba dadkii ugu jilicsanaa.

Guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda qaybtii 2aad ee deeqdan la gaadhsiiyo dadka deeganadaa. Gudoomiyaha gudida Gurmad Sheekh Mubaarik Muuse Faarax ayaa dadka samafalayaasha ugu baaqay in dadka deeganka lala soo gaadho baad iyo biyo maadama ay soo mareen dad aad u jilicsan, isagoo u mahadceliyay dadka deeqdaas ay bixiyeen soo ururiyay.