Ugaaska Dhalinyarada Somaliland Oo La Caleema Saaray

0
690

Picture1Hargeysa (Geeska)-Ugaas gaar u ah Dhalinyarada Somaliland ayaa lagu caleemo saaray Magaalada Hargeysa, Ugaaskan oo lagu magacaabo Ugaas Nagiib Faysal Nuur ayaa waxa soo doortay isla markaana caleemo saaray Dhalinyarada kala duwan ee Gobolada Somaliland, iyada oo Munaasibadii lagu caleemo saaray ayey ka dhacday Hadhwanaag Hotel, ee Magaalada Hargeysa. Munaasibadan oo ahayd madal ka duwanayd munaasibadaha kale oo ay soo buux dhaafiyeen dhaliyarta reer Somaliland ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Madax dhaqameed aad  u tira badan,Agaasimaha Samafalka ee Madaxtooyada ,Masuuliyiin Ka kala socotay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID,Dhalinyaro kala yimi Gobolada dalka,Ugaaska dhalinyarada Beelaha Garxajis iyo marti sharafkale oo aad u tira badan.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Mubaarik Siciid Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa Guddidii soo qaban qaabisay Munaasibada Caleema Saarka ayaa waxaa uu ka waramay ujeedada ku kaliftay in isaga iyo dhalinyaro kale oo aad u tira badani ay u xusheen Ugaas Nagiib Faysal Nuur in uu noqdo Ugaaska dhalinyarada reer Somaliland,waxaana uu tilmaamay in uu yahay qof dulqaad badan oo karti iyo awoodna u leh in uu dhalinyarada kala shaqeeyo baahiyaha kala duwan ee haysta,gaar ahaan in uu ka shaqeeyo nabad galyada  ,arimaha horumarka  ,isku xidhnaanshaha dhaliyarada,iyo ka wacyigalinta Aafooyinka qaran ee baryahan danbe ku habsaday dhalinyarada ee Tahriibta.

Naasir Badal oo ka mid ah Xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga UCID,Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani Maxamuud Raage Ibraahim,Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse,iyo sida oo kale Xoghaye Ku Xigeenka Guud ee Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac oo iyaguna dhamaantoodba halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah  hambalyeey in dhaliyarta reer Somaliland ay u doorteen Ugaas Nagiib Faysal Nuur.

Madaxa Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa iyana halkaas ka hadashay.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii:

Ugu danbayntii waxaa munaasibadaasi hadal Xidhitaan ah ka soo jeediyey Ugaaska Loo doortay in uu noqdo Ugaaska Dhalinyarada reer Somaliland Ugaas Nagiib faysal Nuur.