Agaasimaha Wasaarada Macdanta Oo Beeniyay Inay Shirkado Macdanta Baadhayay Dalka Ka Baxeen

0
648

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Siciid Axmed Jibriil ayaa ka hadlay Shirkadihii baadhayey Macdanta ee dalka ka baxay, oo la sheegay in siyaabo  kala duwan oo ay ka mid yihiin nabadgeliyo daro iyo laaluush la weydiiyey ay dalka uga baxeen, waxaanu Agaasimuhu caddeeyey in sifo sharciya oo ogaalanshiyo ah dalka ku soo galeen, kagana baxeen,dibna u soo noqon doonaan. Agaasimaha macdanta iyo Tamarta Siciid Axmed Jibriil oo Shir jaraa’iid Shalay ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sidoo kale ka waramay halka ay marayso Macdan baadhistu, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Muunadaha noocyo ka mid ah macdanta, oo lagu tuhunsanaa meelaha qaarkood, Munadaas marka la soo qaado sida aad la wada socotaan, Ingineerada iyo Ragga ku takhasusay Cilmiga Macdanta, (Geologist),iyaga ayaa garanaaya, laakiin si loo sameeyo, baadhitaan fara badan, waxa loo diray Shaybaadh, Wadankeenuna ma leh Shaybaadh, waxayna u direen Shaybaadh ku yaala Wadanka Chine, kaas ayaana baadhitaankii lagu sameeynayaa, si loo hubiyo tayada iyo tirada ay leedahay Macdantaasi, markaas dabadeed ayaa loo  gudbayaa in haddana la sameeyo baadhitaan dambe, lana ogaado Keyd intee leeg ayaa ku jira meesha”. Agaasimaha Macdanta Siciid Axmed Jibriil oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Markii ugu horeeysay dhawr iyo afartan kilo oo tijaabo ah, oo noocyadaas kala gadisan ama Dhuxul ha ahaato ama noocyada Macdanaha ha ahaato, ayaanu dirnay, fasaxna u siinay inay qaadan, oo ay geeyaan Shaybaadhka, Munadahaas ugu horeeyey ee la qaaday waxa raacay qeyb ka mid ah Khubaradii soo ururisay, meelaha ay ka soo ururiyeen iyaga ayaa garanaayey, waxa intaas dheera oo la socday khubaradii Wasaaradda ka tirsanaa iyo Dhalinyarada cusub ee imika soo bartay Cilmigan, oo iyagana aanu doonayno inay Tababar u qaataan, si Wadankii aqoonti ugu hadho, oo la shaqayayey mar walbana dhinaca socday”. Agaasimaha Macdanta iyo Tamarta isaga oo ka hadlaya sifaha ku baxeen Ragga Khubarada ah ee Macdanta baadhayey waxa uu yidhi “Markii namankii Khubarada ahaa baxeen, waxa ugu yaraan dalka ku hadhay Saddex Nin oo ah  (Geologist), ee aan khibrada badan lahayn, oo iyagu halkii markii hore loo tilmaamay, ee marka hore la soo maray, sii joogaya, waxa raacayey iyaga mar walba Dhalinyaro Wasaaradda ka mid ah, oo iyaguna ah Geologist, oo ay isku da’ ahaayeen, oo ay Wasaaraddu doonaysay inay wax ka sii bartaan, oo Tababar loo sameeyo, muddo laba bilood ahna wey joogeen.  Haddaba Nimankii way baxeen, sida Saxaafadda laga sheegay, laakiin sida ay u baxeen ee Saxaafadda badhkeed u sheegtay, uma jiraan waxba, maxay u baxeen, sidee ay u baxeen, ma soo noqonayaan, su’aasha isweydiinaynaa waa taas, bishan horaanteedii ayey ka baxeen qeybtii ugu dambeeysay Wadanka, Nimankii khubarada ahaa iyaguna Bishii Shanaad daba-yaaqadeedii ayey ka baxeen badankoodu Wadanka, sababta ay u baxeena waxa weeyaan markii ay haleen Xogtii, inay la tagaan baadhitaan dheer, oo aan Wadanka gudihiisa laga helayn, sababta ay u baxeena ayaa ah in Shirkadan oo ku leh Mashruuc weyn oo aad balaadhan ayey ka wadaan Uganda, gaar ahaan Kampala agteeda, Mashruucaas waxa ay doonayaan inay furaan Bisha Siddeedad ee fooda inagu soo haysa, baadhitaanka iyo Shaybadhka iyo Warbixintuba waxa uu soo dhamaanayaan bisha Siddeedad, markaas in Shaqaloohudu ay halkan iska fadhiyaan ayey ka hortagayeen, markaas Madaxda ayaa nala soo xidhiidhay, sida ay u saareena taas ayey ahayd, in Mashruuca ka furmay Uganda ka shaqaayeen ayey doonayeen labadaas bilood ee wax yar ka dhiman yahay, si Mashruucu Bisha Siddeedaad u furmo, in marka Warbixinta iyo Daraasadaas soo dhamaato Bishaas Siddeed ayey iyana soo noqonayaan, dabadeedna waxa la isku beegaya meesha ay calaamadiyaan haddii ALLE SWT idmo, oo ay yidhaahdaan halkaas ayaa leh                  suuqiisana haynaa, halkaas ayeyna tagi doonaan haddii Rabi SWT ogolaado, waxa ay ka heleen, nooca ay ka heleen, tayada ay leeyihiin Macdanta keydka ah, waxyaabaha ay heleen,  ayey inoo sheegi doonaan,  haddii kalena waxa ay inoo sheegi doonaan inay u baahan yihiin inay sameeyaan baadhitaan intaas ka dheer, oo qodaal koobani ku jiro, oo lagu ogaado Macdanta keydka ah tiradeeda iyo tayadeeda, halkaas ku jira, runtiina sida ay Saxaafaddu inta badan u qortey ee ah in Laaluush laga qaatay, oo lacag ayaa la weydiiyey, ama Nimankaasi Nabadgeliyo daro ayey u baxeen, ama cid ayaa u hanjabtay, wax alaale wax ka jira ma jiraan, Nimankaasi iyaga oo xor ah oo shaqadoodii dhameeystay, ayey u baxeen si ay ugu faa’iideeystaan labadooda shaqo”.