Ugaas Axmed Cali Mahdi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
588

Picture2Hargeysa(Geeska)- Ugaaska Beelaha ARAB Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah  Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Sucuudi Arabia.

Ugaaska waxa Madaarka ku soo dhaweeyey, Suldaan Maxamed Barre Warsame Shire, Suldaan Xuseen, Agaasimaha wasaarada xidhiidhka goleyaasha iyo dad badan oo kale.

Suldaan Maxamed Barre Warsame Shire ayaa waxa uu yidhi“Waxaan halkan ku soo dhaweynaynaa Ugaaska Guud ee beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), maaha markii ugu horeysay ee uu Ugaasku dalka yimaado, hasayeeshe dhowr jeer oo hore ayaan halkan ku soo dhaweynay.Waxaan ku leenahay Ugaas soo dhawoow, uu dhulkaagii Hooyo ku soo dhawoow”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Wixii tallo iyo arrin ah ee aad dalka u sidana waan kaaga fadhinaa.”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi ayaa waxa uu sheegay inay madaarka Caalamiga ah Egal International Airport ay ku soo dhaweynayan Ugaaska Guud ee Beelaha ARAB Ugaas Axmed Maxamed Siciid, “Ugaas Waxaan kugu soo dhaweynaynaa qalbi furan iyo gacmo furan, weliba annagu (Subeer-celi ARAB) waxa beesha u furmayaa shir, kaas oo aan jeclayn inuu Ugaasku nagala qeybgalo furitaanka”.Ayuu yidhi

Abwaan Ismaaciil JIHEEYE oo ka mida abwaanada ee wakhtigan suugaantiisa  aad looga yaqaano dhulka Soomaalidu degto, oo isna ku soo dhaweeyay ereyo Suugaana, ayaa waxa uu yidhi ”Ugaas soo dhawoow,

Waa lagu sugaaye soo dhawoow,

Lagu saadiinaaye soo dhawoow,

Lagu soo dhaweeye soo dhawoow,

Milgo lagugu sooryee soo dhawoow,

Muunoo lagugu soorye soo dhawoow,

Maamuus lagugu salaanye soo dhawoow.

Sacab lagu garaacye soo dhawoow,

Si weyn laguu xilqaamye soo dhawoow,

Waa subax naruuro lehe soo dhawoow,

Waa mood salaantuye soo dhawoow”

Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) oo wejigiisa ay ka muuqatay farxad baddan ayaa ka hadlay soo dhaweyntii qiimaha baddan, ayaa waxa uu yidhi“Madax-dhaqameedkayga, masuuliyiintayda, haweenka iyo dhamaan marti-sharafta halkan igu soo dhaweysay waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin.Waxaan idinku salaamayaa salaam u qalanta sida aad igu soo kalahdeen.”

“Maalmahan waxaad mooda inay bahashii Siyaasada ahayd ALAMTARA soo dhaaftey, inay qabyaaladii xadhiga soo goosatay. Waxaad maqli jirteen labada dale e dagaalamayaa xabad-joojin ayay kala saxeexdeen maanta waxaynu u baahanahay inaynu yooyootankii siyaasada xabad joojin loo kala saxeexo, Dalkeenana qabyaalad khatar ah ayaa ka socota oo aad ka naxayso markaad qurbaha joogto. Markaa  waxaan soo jeedin lahaa in qabyaalada dhinaca kale laga istaago, oo metelan anigu bahda madax-dhaqameedka ee aan ku jiro ay ku midoobaan bahda madax-dhaqameedka, oo saxaafaddu ku midowdo bahda saxaafadda, Abwaaniintu ku midowdo bahda abwaaniinta.”

“Baha madax-dhaqameedka ee aan ka tirsanay waxay ahaan jirtay, oo Odey ayaan ka maqli jirey “Garowga oo la calaaliyo ayaan soo gaadhay”, waxay ahaan jireen niman sharaf leh, nabad-doona, xarago iyo dulqaad-ba leh, ee inanka yar ee qoriga la carara garba-duub u qaban jirey.Hada waxaad mooda qolyahayagii madax-dhaqameedka inay inankii ku yidhaahdeen qorigii waad la gaabinaysaa oo ay iyagu ka dheereeyeen.waxaan jeclaan lahaa inay halkoodii ku soo noqdaan.”

“Siyaasadu qurux ayey lahayd, xifaaltan ayay lahayd dhadhan macaan ayay lahayd imika-se aabahay goblanyee ayaa ka dhacday.”

“Xukuumaddu waa Aabo dhex fadhiya ubadkiisa, dulqaad ayaa looga baahan yahay,waxa loo baahan yahay in dadku wada dhalashada iyo nabadgelyada ay ilaashadaan”

Ugaasku Mar uu la hadlayay Mucaaridka Somaliland waxa uu yidhi“Nimanka mucaaridka ah waa sax inay wax dhiilaan oo ay sheegaan wixii gal-daloolooyina ee jira,laakin waxaan qabaa inay taladeediina sheegaan. Waxa lagu tartamayaa waa shicibka,waa inay soo bandhigaan wixii ay wax ku bedeli lahaayeen, laakin halkan ugama baahnin mid wax cambaareeya.Waddankana waynu wada leenahay ee ubadka ha loo tudho.”

Sidoo kale, Mar uu Ugaas Axmed Maxamed Siciid la hadlayay Saxaafadda Somaliland waxa uu yidhi “Bahda Saxaafaddana waxaan leeyahay,waar siyaasiyiinta hirgoo-hirgooda ka daaya, oo xanshaashaqii ku celiya, wixii wanaagsan ee aad qortaan wuu idinka iibsamayaa,laakin wixii xun ee aad qortaan idinka ayuu dhaawac idiin geysanayaa, cadowguna yaanu gal-daloolooyin innaga helin, dalkani waa dalkeeni, dadkuna waa dad wada dhashay, way xafiiltamayaan, waa la iska horimanayaa, waa la heshiinayaa. Arrintuna waxay tahay anigaa kaa dheeraynaya iyo anigaa kaa dheeraynaya.xumaana la iskuma hayo,”