UDUB Oo Dooratay Murashixiinta Madaxtooyada Iyo Dardaarankii Dahir Rayale

0
809

 

udubHargeysa( Geeska )- Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa ka qabsoomay Magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo xaadireen 105 Xubnood ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga.

 

Shirweynaha ayaa lagu doortay murashaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee u tartami doona xisbiga Udub, waxaana lagu ansaxiyay in qaabdhismeedka xisbiga wax laga badalo, waxna lagu soo kordhiyo.

Shirweynahan waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, Xubnaha Golaha dhex, Guddida fulinta Xildhibaanka ugu da’da weyn Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen  (Xaaji-Cabdi Waraabe) iyo Marti sharaf kale.
Xaaji Cabdi Waraabe oo ah Mudanaha ugu da’da weyn Golaha Baarlamaanka Somaliland oo Shirwkaas ka hadlay ayaa ka waramay taariikhdii hore ee gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wakhtigii ay dawladdii Somaliya burburtay iyo waayo badan oo uu u joogay, waxaanu xisbiga kula dardaarmay in aanay buuq iyo aflagaado ku galin Doorashada ee ay noqdaan Xisbi si degan ku gala olola Doorashooyinka, maadaama oo Xisbigani yahay Hooyadii Xisbiyada Somaliland.

Musharaxa loo doortay Madaxweyne Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cadde oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay Taariikhada Xisbiga UDUB iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxanu uu Murashax Cali Warancade sheegay  inay soo diyaarin doonan barnaamij siyaasadeed oo ay soo bandhigi doonaan, waxaanu sameeyay balanqaadayo dhawr ah.

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Xaaji  Daahir ayaa Ergadii codka  siiyey u mahad-naqay, waxaanu sheegay inay hawsha xisbiga iyo dardartiisa ay bilaabi doonaan.

Madaxweynihii hore ahna Guddomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in haddii Xisbiga UDUB laga guulastay ay maanta Umaddu u baahan tahay, waxaanu yidhi  “Xisbiga UDUB haddii Shalay Doorasho lagaga guulaystay maanta Dadweynuhu UDUB-bay dib u raadinayaan, UDUB hadday dhaawacyo yar-yari soo gaadheen wey ka soo kabanaysaa haddii ILAAHAY yidhaahdo Dadweynaha-na waxaan leeyahay Ragaa maanta la sharaxay inay la shaqeeyaan UDUB-na waxaan u rajaynayaa inay mar dambe talada Dalka ku soo noqoto, waayo Dadka ayaa u baahan” Md. Rayaale oo hadalkiisa sii wata, waxa u yidhi “Waxaan leeyahay Nin tagay oo UDUB ka tagay iyo Nin kale waxba ka sheegi-maayo Xisbiyadu wey iska guur-guurayaan, waxaanu nahay saddex Xisbi maanta waxa u taagan sagaal, saddex-da Xisbi bay ka farcameen meel kale kamay iman UDUB-na waxaan leeyahay Jagooyinka aan la magacaabin waxaan ku soo dhaweynaynaa oo aan ku Marti-qaadaynaa Ururada wada-hadalku noo socdo ee ku soo biiri-doona Xisbiga UDUB, waxaanan halkan kala dar-daarmayaa Musharixiintan in aad si adag ula sii balan-taan Goboladda cidii ka timid Qawl-cad aad kala gashaan oo aad u Diyaar-garowdaan sidaad u dhisi lahaydeen Goleyaasha Deegaanka Wakhtiga ugu dhakhsaha badan ILAAHAY waxaan ka rajaynayaa in guul arrimaheenu markasta ku dhamaadaan.”

 Shirweynahan ayaa wax ka bedel lagu sameeyey Xeerarkiisa, waxaana lagu soo kordhiyey inuu xisbigu yeesho ku xigeeno, isla markaana gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhowaan sheegay inuu xilkii xisbiga uu iska casilay golaha cod looga qaaday in laga aqbalo, halkiisiina lagu bedelo xubno kale oo buuxin doonna, taasna waa laga aqbalay.