UCID Oo Sheegay In Qiimaha Shidaalku Uu Bil Gudaheed 4 Jeer Kor U Kacay, Dhaliil Culusna U Jeediyey Xukuumadda

0
537

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka dayriyey Qiimaha shidaalka oo uu sheegay inuu muddo bil ah gudaheed Afar jeer kor u kacay Qiimahiisu.

Xisbiga UCID wuxuu Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ku eedeeyay inay ka gaabisay inay Tallaabo ka qaaddo Ganacsatada shidaalka ee Shidaalka Qiimaha ay doonaan Dadka ka siiya, kuwaasi oo ku eedeeyay in Xukuumaddu si gaar ah kooto ugu xidhay.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Wasaaradda Ganacsiga ku eedeeyay inay Tahli kari wayday inay fuliso Amarro ka soo baxay oo ay ku xadidaysay Qiimaha shidaalka, waxaanu yidhi  “Waad ogaydeen, 3 bilood ka hor Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu waxay soo saartay amarro iyo wareegtooyin lagu xakamaynayo kor u kaca shidaalka, Somaliland oo dhan baa soo dhawaysey, waxay u hiil u ahayd Qaranka Somaliland, waxay hiil u ahayd Shacabka Somaliland, waxay ahayd Tallaabo Wasaaradda ka maqnayd inay xakamayso Qiimaha shidaalka, maaddaama oo ay iyadu Masuul ka tahay, sidoo kale Madaxweynuhuna si wanaagsan buu uga hadlay markuu arkay baaqii ka soo baxay Bulshada iyo Xisbiyada Mucaaradka ahba, Maantana tii teedii baa taagan.”

Xoghaye Yuusuf Kayse waxa kale oo uu sheegay “Marka koowaad waxaan aad iyo aad uga xumahay in wareegtadii Wasiirku ay shaqayn waydo oo iyadoo aynaan Wasaaraddii ka maqal Wareegtooyin kale oo ay soo saartay in Ganacsatadii jebiso amarradii Wasaaradda, markaa waxaan leeyahay Wasaaraddu arrintaa wax ha ka qabato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in arrimahan oo kale dhacaan marka Cid gaar ah Kooto loogu xidho Shidaalka “Tanna waxay ka mid tahay dhibaatooyinka laga dhaxlo marka Cid kooto loogu xidho shidaalka inta la jebiyo Sharciga iyo Xeerarka aynu dhiganay.”

Masuulkan UCID u hadlay wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Xukuumaddu Tallaabo ka qaaddo Ganacsatada lacagta haysta haddii ay Sharciga ku gefaan, halka ay ku xidh-xidhayso Dadka Shaaha kariya “Maalin dhawayd waxaan arkayey iyadoo Xukuumaddeenu xidh-xidhaysa Dad masaakiin ah oo haysta Maqaaxiyo Shaah, kuwaasi oo qiimaha shaaha ku daray 500 shilin, waa maxay sababta Xukuumaddeenu ay Tallaabo uga qaadi la’dahay Ninka Ganacsadaha ah ee Lacagta haysta, Dadka masaakiinta ee hooseeyana loo xidh-xidhayaa?. Marka Shidaalka la kiciyo, Sonkortana la kiciyo, ka shaaha kariyaana wuu kicinayaa. Hadduu Shidaalku kaco dhammaan Maceeshaddeenuna Cirka ayay isku shareeraysaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Wax Caqliga fayow qaadan karo maaha in bil gudaheed uu Afar jeer Shidaalku uu kor u kaco, haddana kor buu u sii socdaa, Wasaaraddii way arkaysaa, sababta ay u daawanayso Annagu garan mayno..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office