UCID Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay Inuu Ka Cago-jiidayo In La Isku Afgarto Wada-hadallada Khilaafka Doorashada

0
410

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu wada-hadalada u socda lugta hayo.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga UCID Maxamed Aadan Axmed, oo shalay ka warbixiyay wada-hadallada maalintii 3-aad oo xidhiidha u soconaya Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu masuul ka yahay jiitanka wada-hadallada.

“Shalay ayay bilaabmeen, maantana way socdeen, berritoolana (Maanta) way socon doonaan, aniga labada xisbi ee mucaaradka ah marka la isku daro in aan anagu taageersanhay in wada-hadaladaasi si fiican ku dhamaadaan, hase yeesheen waxaad mooddaa in cidda weli hoos u yar jiidaysa in uu Madaxweynaha yahay” ayuu yidhi Maxamed.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin haddii wada-hadallada uu ka soo baxo go’aan lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha oo kali ah, haddii taasi dhici waydana aanay sii wadi doonin wada-hadallada “Haddii la is afgartana waa sidii aanu doonaynay oo doorashadii la qabto, haddii ay xaga Madaxweynaha suuragal ka noqon waydana, xisbiyada mucaaradka ahi kama mid noqon doonaan wada-hadallo danbe oo sii jiitama” ayuu yidhi Maxamed.

 

Geeska.net/Hargeisa Office