Ucid Oo Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda U Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Cali Guray

0
791

Hargeysa (Geeska)- Xisbiga UCID ayaa warqad uu kaga dacwoonayo guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Mudane Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) u gudbiyey guddida diiwaangeint ururrada siyaasadda oo dhowaan ka garnaqday khilaafkii xisbiga dhexdiisa muddo ku jiray.

ucid

Warqad uu ku saxeexan yahay afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shaabaash) oo lagu socodsiiyey Guddida diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Qaranka, lana ogeysiiyey guddoomiyaha xisbiga iyo golaha fulinta ayaa uu afhayeenku Mudane Cali Guray ku eedeeyey in uu istimaalayo xil aanu xisbiga u haynin oo ah xilka guddoomiye ku xigeenka saddexaad, isla markaana astaanta xisbiga oo aanu xaq u lahayn isticmaalayo.

Warqaddan oo nuqul ka mid ahi uu Geeska Afrika soo gaadhay ayaa waxa uu afhayeenku ku yidhi, “Waxa aanu halkan ugu soo gudbinaynaa guddida

Diiwaangelinta Ururrada

Siyaasadda iyo ansixinta Asxaabtat Qaranka in Cali Guray oo hore si ku meelgaadh ah u ahaa guddoomiyihii saddexaad ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID, lagana xayuubiyey xilka taariikhdu markay ahayd 02/04/2016.

Go’aankii aad soo saarteen 11/07/2016 waxaa aad ku caddayseen ilaa shirweyne lagu ansixiyo inuu soo jeedin yahay xilkiisu, haddaba wuxuu isticmaalayaa sumaddii xisbiga, waana xaaraan cid aan loo igmanin inay isticmaasho waayo xisbigu waa haayad sharci ah.

Waxa kale uu isticmaalayaa sumad qaldan oo aanu xisbigu lahayn (Gx-3/05/16)

Waxa uu si xeer hoosaadka Xisbiga baal marsan u isticmaalay xil aanu ka haynin Xisbiga UCID isaga oo sheeganaya guddoomiye ku xieenka saddexaad ee Xisbiga UCID. Haddaba waxaanu ku

wargelinaynaa guddida

diiwaangelinta in ay tallaabo cad oo sharciga waafaqsan ka qaadaan Cali Maxamed Yuusuf”

 Warqadda Xisbiga UCID ayaa u muuqata in ay daba socoto warqad hore uga soo baxday guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga oo warqad leh sumadda warqaddan UCID lagu deedifeeyey ku soo saaray magacyada shan xubnood oo uu ugu talogalay in ay ka mid noqdaan 10 ka xubnood ee qaban-qaabada shir weynaha Xisbiga UCID oo sida uu dhigayey go’aankii dhexdhexaadinta ee ka soo baxay guddida diiwaangelinta laga rabo in shir aan caadi ahayn ay isugu yimaaddaan si ay u dhamaytiraan sharciyadda heshiiskii ay hore u wada galeen Xisbiga UCID oo uu hoggaaminayo Mudane Faysal Cali Waraabe iyo garab markaas UDUB ka yimid oo uu horkacayey murashax madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

Go’aamada heshiiska ayaa dhigayey in Tobanka xubnood ee qaban-qaabada shirka ay shan ka mid ah soo magacaabayaan garabka murashax Jamaal, halka shanta kalana laga rabo garabka guddoomiyuhu.