UCID Oo Cambaaraysay Shaqo Ka Eriska Garsoore Xuseen Belel

0
540

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xisbiga UCID, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey dhaliil, ku saabsan Garsoorihii ay dhawaan Xukuumadda shaqada ka joojisay kadib markii ay xoriyadii u soo celisay Wargeyska Hubaal oo muddo xayirnaa, waxa kale oo ay canbaarayeen Wargyska Hubaal ee dib loo xayiray.

Guddida Warfaafinta iyo xuquuqul isaanka ee Xisbiga UCID oo Warsaxafeed ay arimahan kaga hadlayaan, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Warsaxafeedkan oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha warfaafinta ee XIsbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi u dhignaa sidan “Sida loo eryey Garsoore sare Xuseen Belel oo ahaa Gardoorihi Xayiraadda ka qaaday Wargeyska HUBAAL waxay inqilaab ku tahay Madaxbannaanida Garsoorka, Xorriyadda Saxaafadda iyo Demoqraadiyadda, Xisbiga UCID-na wuxuu ku baaqayaa in Guddida Caddaaladda Qaranku Arrintaas si deg-deg ah Dib uga Fiirsadaan.

Guddida War-Faafinta iyo Xuquuqul insaanka ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID, wuxuu aad u Cambaareynayaa habka xil ka qaadista  iyo shaqo ka joojinta ee Garsoore  Xuseen Maxamed Jaamac Belel, isla markaana ay innqilaab ku tahay hannaanka Garsoorka iyo sugidda Caddaaladda Dalka,

Sida lagu faafiyey warbaahinta dalka, waxa Garsoore Belel shaqadiisii lagaga eryey inay ahayd Go.aankii uu ka gaadhay Dacwaddii iyo Xayiraaddii saarneyd Wargeyska HUBAAL oo ay Xukuumadda Madaxwene Silaanyo ku Baabi,isay shaqadii iyo Jiritaankii isla

waregeyskaas iyadoo ilaa hadda xaruntii wargeyska ay Ciidanka Booliiska ee ka Amar qaata Waziru Daakhilka WARANCADE iyo General FADAL ay sifo aan Sharciga meelna ka soo gelin oo xoog ah ku deggen yihiin.Xaruntii Wargeyska

Xisbiga UCID, markuu u kuur galay habkii loo maareeyey Kiiska wargeyska Hubaal, waxa noo caddaataay in Garsoore Xusein Belel uu mariyey hannaankii loo baahnaa Ee Geedi Socodka Garsoorka oo dhan.

Sida ku Cad Go.aanka Xayiraad ka qaadista Wargeyskan ayaa ka dhalatay kaddib markii la waayey Eed Dhammaystiran iyo in Xeer ilaalinta Maamulka Silaanyo oo Lahaa Dacwad Oogista  ay soo Xaadiri waayeen dhamaan fadhiyadii Garnaqsiga,

Xisbiga UCID, wuxuu Shacbiga, Golayaassha Qaranka iyo Beesha Caalamkana u iftiiminayaa in Shaqo ka Eriga Garsoore Sare Xusein Belel ay baal marsan tahay Madaxbannaanida Garsoorka dalka, Burburina Ay Ku Tahey Shuruucda dalka iyo Tiirarka Asaasiga ah Xuquuqda Aadanaha Ee la isla waafaqsan yahay,

Xisbiga UCID, waxa kale oo uu aad uga soo horjeedaa sifaha Garsoorahan loo Eryey oo Daliil Cad u ah in la inqilaabay Habkii shaqo ee Garsoorayaasha Caddaaladda Jecel, Xorriyadda Saxaafadda iyo burburinta Nidaamka Demoqraadiyadeed ee Ummaddani Qaadatay.

Ugu Sambayntii Xizbiga UCID wuxuu ku talinayaa in Guddiga Caddaaladda JSL si deg deg ah wax uga qabtaan Eriga Garsoorahan iyo Soo Afjarista Kiiska Curyaaminta Madaxbannaanida Shaqada Wargeyska Hubaal,Haatuf I.w.m oo ah laamo warbaahineed oo ay leeyihiin Muwaadiniin u dhashay Dalkan oo ilaa hadda dowladda Silaanyo loogu taag la. Yahay inay si macquul ah u soo ban dhigto waxa ay ku Eedaynayaan Wargeysyadan, Si deg deg ahna loogu soo celiyo Garsoore Husein Belel shaqadii uu qaranka u hayey xukuumadduna Joojiso bahdilka GarsoorayaashaDhex-dhexaadka ah,  Xisbiga UCID waxaa uu wer-wer weyn ka qabaa Hadii Gudiga Cadaaladu Wax Ka Qaban Waayaan Arintan Iney Lumi-Doonto Kalsoonidii AxsaabtaQaranka Iyo Shacbi-weynaha JSL”