“UCID iyo KULMIYE, Hore Ayay U Qabteen Shirkan Doodda Qaran, Waxaanan Ka Soo Saarnay Tusaalooyin Wax Tar Dalk U Leh”

0
669

Picture8Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib shir uu kaga qaybgalay dalka Turkiga.

Guddoomiye Fayal Cali Waraabe ayay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo u diiday in madaarka lagaga hortago, warbaahinta ayaa iyadana dhankeeda madaarka laga joojiyay inay gudaha u gasho si meesha looga saaro in uu madaarka ku dhex hadlo guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal oo madaarka hortiisa kula hadlay warbaahinta isaga oo lugaynaayay,ayaa ku gaabsaday ka hadalka dooda qaran ee ay isku hayaan xukuumadda, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Dood cilmiyeedka aanu qabanaynaa waa arin loo baahan yahay  hore-na waan u sheegay oo cidna lagu xumayn maayo  waxbaana  lagu hagaajinayaa ajanduhuna wuu inoo samaysan yahay, marka la shirayana ajandaha waxbaa laga badali karaa waxna waa lagu dari karaa, ciddii wax ka diidani ajandaha wax way ka badali karaan oo dadka wuu u wada furan yahay?

Guddoomiye faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Mudo 22 sano ah ayeynu xor ahayn mar qudhana inta laysku yimid lama odhan maxaa inaga qabyo ah, hadda doorashooyin ayaa la galayaa  wax badan ayaana hor yaala  waa inta aan doorashada la gaadhin aynu ka sii tashano, waxa kale oo ka mid ah in guurtideena ka tashano sidii laga yeeli lahaa, baarlamaanka sidii laga yeeli lahaa,  distoorka qabyada ah ee mar kasta laysku qabsado,siyaasada debada, saami qaybsigii, saamigii la siin lahaa dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay waxaas oo dhan waa inaynu ka heshiino oo lagu dhaqmo, markaa ma garanayo dawladu waxay u diidayso,  anagaa [UCID] hore u qabanay, anaga iyo Kulmiye taas oo aanu ka soo saarnay tusaalooyin badan oo wax tar leh, dawladuna way qaadan kartaa wixii ka soo baxa, waxa la yaab leh in qofka hadlaba laga hadlayo oo dumarkii la soo abaabulayo iyada oo aynu hore u ogayn rag qayrul masuul ah.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu dhaliilo u soo jeediyay maamul gobaleedka Puntland,isaga oo ugu baaqay inay ku eekaadaan deegaanadooda oo ay ka dheeraadaan sheegashada dhulka Somaliland.