Turkiga Tiisu Way Cadahaye, Talada KULMIYE Iyo Xukuumadiisu Maxay Noqon? Muniir Axmed Cigaal

0
525

1Waddanka Jamhuuriyadda Turkiga oo ah dal Muslim ah, waxay dadka rer Somaliland ku xasuustaan Dawladdii Cismaniyiinta ee badi caalamka wada gaadhay, wakhtigaas oo raadkoodi soo gaadhay dhulka Jamhuuriyadda Somaliland, walina uu ka sii muuqdo maglooyinka Berbera iyo Saylac, wixii xiligaas ka danbeeyay magaca Turkigu ma ahayn mid ka muuqda dhulka Soomaalidu degto iyo Afrikaba. Qarniga 21aad, sanadkiisa 2011 ayey dawlada Turkiga oo uu ka talinaayo Xisbi Islaami ahi, Raysal Wasaarena uu ka yahay Recep Tayyip Erdo?an waxey ku soo gashay dalkaasi Soomaaliya u fidinta gargaar aadaminimo. Waxey si wanagsan ugu gargaartay raashin iyo daawooyin, kuwaas oo samato bixiyey kumanaan qof oo ku macaluulaayay dalkaasi Somalia, iyadoo dadkaasi ay qarka u saarnayeen dhammaad iyo geeri. Dadkii wakhtigaas u gurmaday Somalia oo dalka Somaliland kamid aha aadbay ula dhaceen wax qabadka Bini aadaminimo ee Turkiga, wax shaki ahna kamay muujin. Balse wixii Caawintaas ka danbeeyay shakiga Turkiga laga qabo ee ku aadan danihiisa Somalia iyo mandaqaduba wuxuu aha mid marba marka ka danbaysa uu diirku ka soo qaadmayo. Turkigu wuxuu maalgeliyey hayadihiisa gaarka ah, isagoo dahaadhna uga dhigay deeqaha uu ku yaboohay ee mucaawinooyinka, sidoo kale Turkigu wuxuu sameeyey dugsiyo waxbarasho, Kuwaas oo lagu baranaayo luqada Turkiga iyo dhaqankooda. Wuxuu Turkigu la wareegay ilihii dhaqaale ee ugu muhiimsana dalka Somalia, sida Dekedihii iyo Garoomadii, sidoo kale wuxuu sameeyay goobo muhiim ah oo uu kamid yahay Cisbitaalka ugu weyn Geeska Afrika kaas oo dakhli badani uga soo xeroodo, dhawaan wuxu Magaalada Muqdisho ka hirgaliyay Safaaradda ugu weyn ee uu Caalamka ku yeesho. Qorshaha Mustaqbal ee Turkiga iyo Siduu u arko Somaliland. Turkiga iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdo?an oo isu arka hoggaamiyaha Islaamka ee waktigan waxa u qorshaysan inuu Somalia u dhiso ciidan xoogan oo cudud Milatari leh, ku tallo galkaas oo wajigiisi koobad hadda bilaabmay, halka higsiga labaad ee Turkigu yahay in Ciidamadaas loo dhiso dawlad uu isagu soo unkay, taas oo Xukunkeeda gaadhsiisa dhammaan wixii laysku odhanjiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Inta wakhtigaas ka horeysay wuxuu Turkigu qorsheeyay in aanu faraha kala bixin arrimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia, iyadoo aanu qarsoodi ahayn qorshihiisa raadinta wixii loogu yeedhi jiray Midnimo Soomaaliweyn oo waliba xoog ku timaada, arrinta dhismaha ciidamadda Somalia-na Muqdisho ayuu ka cadeeyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdo?an. Haddaba Xukuumadda Somaliland ee Xisbiga KULMIYE in kasta oo aanay ummadda u shaacin waxa uga meel yaala damacyada dahsoon ee dalka Turkiga, hadana Guddoomiyaha Xisbul Xaakimka KULMIYE ahna Murashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu sheegay inay Dawladda iyo Xisbigeeduba tallo is-kula noqonayaan sidii ay ka yeeli la hayeen dhex-dhexadinta Turkigu waddo, dhawaqaas Muuse Biixi ayay dad badan oo aan kamid ahay u dheg taagayaan wuxuu noqon doono. Muniir Axmed Cigaal Murashax Golaha Wakiilada Ah.