Turkiga Oo Maraakiib Dagaal U Diraya Dalka Soomaaliya

0
20

Ankara (Geeska)  – DawladaTurkiga, ayaa qorsheynaysa inay maraakiib dagaal u daabusho biyaha badda ee Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan markab cilmi baadhis dhanka tamarta ah halkaas ka wada, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda.

Sida ku cad heshiiska ay kala saxeexdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa

loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda, iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga, ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga in Shidaalka Turkiga uu ruqsad u haysto saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, goob kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Wasiir Bayraktar waxa uu intaa ku daray in Markabka Oruc Reis uu samayn doono daraasad seismic 3D aagga, “taas oo aan weligeed hore loo samayn”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in

ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markabka.

Ilo wareedyada arrintan la socda ayaa sheegaya in Ankara ay qorshaynayso in ay geyso laba markab iyo markab gargaar ah oo dheeraad ah si loo sugo aagga.

“Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya,” ayuu u sheegay Middle East Eye, isagoo intaa ku daray “Markabka waa in laga ilaaliyaa budhcad-badeedda iyo sidoo kale khataraha kale ee dhulka ee suurto-galka ah.”

Falanqeeye arrimaha Afrika ah oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Seta, ayaa sheegay in Ankara ay si taxadar leh u ilaalineyso markabka   sababtoo ah wuxuu ka shaqeyn doonaa badweynta furan.