Turkiga iyo Somaliland: Erdogan Ha Saxo Khaladkiisa Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan

0
678

Waxa aynu ku jirnaa bishii Barakaysneyd ee Ramadaan. Waxaan filayaa in aynu dhammaanteen si wanaagsan ugu diyaar garownay ka faa’iidaysiga khayraadka bishan oo ah fursad sannadkiiba mar soo marta qofka uu Illaahay (SWT) uu ku simo. Illaahay ha inaga yeelo kuwii ka faa’iidaysta bishan.

1

Waxa aan doonayaa in aan maqaalkan kaga hadlo arrin dhawaan warbaahintu tabisay oo ku saabsan imaatinka Madaxweynaha Turkiga ee wadanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay.

Sida aynu ka warqabno, Madaweynaha Turkiga ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya Bishan aynu ku jirno 3deedii. Waxa aan doonayaa in lagu casuumo Madaxda Sare ee Turkiga wadankeena Somaliland si ay uga geyb qaato tartanka loogu jiro maalgeshiga Somaliland. Waad ogtihiin in dekediinii Berbera laga dhigayo mid casri ah. Markaas Turkigu waa in uu isna dhinac ka galaa tartanka loogu jiro maalgeshisha Somaliland.

 

Waxa aan doonayaa in aan u iftiimiyo Dawladda Turkiga in ay jirto taariikh weyn oo uu Turkigu ku leeyahay Somaliland, iyada oo ay jirto meelo badan oo taariikhi ah oo illaa iyo hadda ay dadka reer Somaliland intifaacsadaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin masaajida Turkiga ee ku yaal Berbera iyo ceelka ay illaa iyo hadda ay dadka magaalada Berbera ku nool ay ka cabaan.

Anigu shakhsiyan waxaan kulan kula yeeshay London iyo Istanbul masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumadda Turkiga halkaas oo aan ugu caddeeyay qiimaha Somaliland ay leedahay iyo wali mawqifkeeda oo ah in Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii ayna kolnaba suuroobayn in ay dib ula midowdo Soomaaliya.

Waxa aan kula talin lahaa madaxweynaha Turkiga oo ah nin ixtiraam weyn leh in aanu khalad gelin, kaas oo ah in uu isku dayo inuu Somaliland ula yimaado midnimo dambe oo ay Somaliland la samayso Soomaaliya; iyada oo la ogaa wixii ka gaadhay midnimadii hore ee ay ku hungowday.

Waxaan kula talin lahaa Madaxweyne Erdogan in uu taariikhda xukunkiisa ka illaaliyo wixii sumcad xumo u keenaysa, balse uu sii xoojisto sumcadda iyo karaamada uu ku leeyahay ummadda Islaamka dhexdeeda.

Waan soo dhawaynaynaa cid kasta oo Somaliland wax la qabanaysa kana faa’iidaynaysa khayraadka uu Illaahay ku manaystay.

Dr Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, waa Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibebda Somaliland