Trump Oo Gaadhigiisii Garan Waayey Iyo Inantiisa Oo Shirkii G20 Dunida Iyadu Aabaheed Meteshay

0
653

 

Sheekooyin Xiise Leh oo Geeska Afrika soo ururiyey

Berlin (Geeska)- Inta badan marka ay madaxda dunidu isugu timaaddo kulamada waaweyn, ama ay fagaarayaasha hawlo shaqo iyo kuwo gaar ah mid uun ugu soo baxaan, waxaa dhacda in warbaahinta iyo dad badan oo kalaba ay fiiro gaar ah u yeeshaan waxyaabaha kamaradaha aan loogu talogelin ee dhacaya, waxa aanay la kulmaan dhacdooyin qosol leh, kuwo la’la yaabo iyo arrimo mararka qaarkood saamayn ku yeesha siyaasadda iyo diblumaasiyadda dunida.

Waxa aynu qormadan ku eegaynaa dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa illaa hadda ee la xidhiidha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhowaan markii ugu horreysay intii uu xilka hayey ka qaybgalay shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay G20 oo ka dhacay dalka Jarmalka

– Ugu horreynba waxaa indhaha si weyn u soo jiitay, madaxweyne Donald Trump oo tahli waayey in uu garto gaadhigiisa gaashaaman oo hortiisa meel aanu dhan uga baydhi karin yaalla. Madaxweyne Trump oo ku soo degey saldhigga ciidamada Cirka ee magaalada Bedminster, gobalka New Jersey, ayaa markii uu ka soo degey diyaaradda madaxweynaha ee ‘Air Force One’ waxa uu dhinac midig ka dhaafay gaadhiga madaweynaha oo taagnaa meel masaafad aad u yar u jirta kaabadda u hoosaysa sallaanka uu ka soo degayo ee diyaaradda.

Gaadhigu waa uu istaadhnaa, waxa aana hareero taagnaa ilaalada madaxweynaha oo sugaysay in uu fuulo gaadhiga dhererkiisu yahay 5.5 Mitir oo daaqadda madaxweynuhu ka gelayo oo uu ku yaallo sawirka astaanta qaranka oo aad loo weyneeyey ay ku beegnayd halka uu ka soo degeyo.

In kasta oo marka hore ilaalada ka agdhoweyd madaxweynuhu sida muuqata ay ku dhici waayeen in ay joojiyaan, haddana aakhirkii waxaa khasab noqotay in mid ka mid ah saraakiisha ammaanka sirta ahi in uu joojiyo madaxweynaha oo inta uu ka hor yimaaddo uu farta ugu fiiqo gaadhiga uu soo dhaafay. Markiiba sawirkan ayaa buux dhaafiyey barkulannada bulsho ee internet ka, gaar ahaan Maraykanka iyada oo dadka badankoodu isticmaalayaan ereyo aanay xaqiraadi ka madhnayn, tusaale ahaan jilaaga Hollywood ee caanka ah Ronald Perlman, ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray, “Halkaad u socotay waa ay kaa dambaysaa, Mudane, midigna waxaa kaa xiga furayaashii sirta ahaa ee Nukliyeerka”  waa ereyo uu madaxweynaha si dadban ugu eedaynayo in aanu xaalka war u hayn.

Donald Trump oo waayey hudheel uu dego

Wargeyska The independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa soo wariyey in madaxweyne Trump uu dhib badan kala kulmay helidda qolkii uu ka deggenaa hudheelka lagu dejiyey ee magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka oo uu kaga qaybgalayey shir madaxeedka G20. Gacanyareyaasha madaxweynaha ayaa muddo dheer sugayey in ay helaan qolal hurdo oo ay madaxweynaha iyo gacanyareyaashiisa uga kireeyaan hudheellada, kadib markii loo sheegay in dhammaan hudheellada waaweyn ee magaaladu buuxaan.

Madaxweyne Trump markii dambe waxaa lagu martigeliyey dhismaha golaha odayaasha ee dawlad gobaleedka Hamburg, halka shaqaalihiisiina ay ku qasbanaadeen in ay seexdaan xarunta qunsuliyadda Maraykanka.

Wada fadhiisigii xaaska Trump iyo Putin

Marwada koowaad ee Maraykanka Ivanka Trump ayaa xilligii cashada madaxda dalalka ka soo qaybgalay shirka G20 waxa la arkay iyada oo hareer fadhida madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin. In kasta oo aan sababta runta ah la sheegi karin, haddana warbixinaha kala duwan ee warbaahinta dunida ayaa arrintan siyaabo kala duwan uga faallooday, iyada oo qaarkood adeegsanayey erey ku cusub dunida siyaasadda oo ah, “Casho diblumaasiyadeed”

Baratakoolka marka horeba loogu talagalay cashadan ay jimcihii raysalwasaaraha Jarmalku u samaysay madaxda ka soo qaybgashay shirka G20 iyo xaasaskooda, ayaa ahaa in madaxda iyo xaasasku aanay meel wada fadhiisan oo la is dhexgalo, si fursad loogu helo isbarasho cusub oo dhex marta martida iyo in wixii labada masuul isla garan waayeen bal hadda dhinaca qoyska la isu mariyo. Sawirrada wakaaladaha wararku ka soo tebinayaan cashadan ayaa laga arkayey Xaaska madaxweyne Trump Melanie Trump oo hareer fadhida madaxweynaha Ruushak Vlademir Putin, oo weliba ereyo is dhaafsanaya turjumaankii u kala af celinayeyna dhex taagan yahay. In kasta oo Trump iyo Putin markii u horreysay ay maalintan Jimcaha uun kulmeen, haddana lama garan karo in wada fadhiisiga Melanie iyo Putin uu kedis ku dhacay iyo in uu ahaa ku talogal la doonayey in afada madaxweynuhu qodobbada siyaasiga ahaa la sii jilciso madaxweyne Putin.

Kmaradaha warbaahinta ayaa markii ay arkeen Melanie oo Putin la sheekaysanaysa waxa ay raadiyeen halka uu odaygeediina ku sugan yahay, waxa aanay soo sawireen isaga oo la taagan xaaska madaxweynaha dalka Argentina Julia Cawaadah oo isir ahaan ah Carabiyad ay dhaleen laba waalid oo Suuriya iyo Libnaan ka soo kala jeedaa.

Ivanka Trump waxa ay fadhiisatay kursigii aabaheed

Madaxweyne Trump ayaa mar keliya maalintii sabtida la arki waayey, xilli ay socdeen hawlaha shirmadaxeedka dalalka G20 uga qabsoomaya magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka. Kursigii madaxweynaha looga qorsheeyey miiska ay madaxda dawladuhu fadhiisanayeen ayaa lagu arkay iyada oo inantiisa Ivanka ku fadhida, arrintaas oo muran iyo dacaayad badan oo siyaasi ah ka dhalisay dalka Maraykanka, maadaama oo Ivanka Trump aanay ahayn masuul rasmi ah oo dawladda Maraykan ka tirsan si ay madaxweynaha u metesho. Xilka keliya ee ay Ivanka ku magacaabantay ayaa ah lataliyaha madaxweynaha oo aan dawladda u shaqayn. Ciddii ugu horreysay ee arrintan ka hadashay waxa ay ahayd Svetlana Lukasz oo lataliye sare u ah madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, waxa aanay boggeeda Twitter ku qortay laba farriimood iyo sawirka laga soo qaaday gudaha shirkan ay Ivanka fadhiday. 

Svetlana Lukasz waxa ay markii hore qortay, “Ivanka ayaa la socota madaxweyne Trump” laakiin haddana labaatan daqiiqo kadib ayaa ay isla faalladeedaa hor ku sii dartay, “markaasay fadhiisatay halkii loogu talagalay in uu ka fadhiisto miiska madaxda G20”  In kasta oo ay mar dambe Svetlana Lukasz farriintan ka masaxday boggeeda twitter haddana waxaa markiiba sawirro ka qaaday warbaahinta dunida oo ay ka mid tahay shabakadda Alcarabiya, waana ay baahiyeen.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka mid ah ergadii caalamiga ahayd ee shirkan ka qaybgashay, Ivanka Trump waxa ay shirkan uga qaybgashay si la mid ah madaxdii kale ee shirka fadhiday oo ay ka mid ahaayeen Angela Merkel, Terrassa May, Shi Jinping oo madaxweynaha Shiinaha ah iyo madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan.

Guriga Cad ee Maraykanka oo arrintan la yaabka noqotay ka jawaabaya ayaa ay jawaabtiisu mar labaad noqotay arrin laga yaabo, kadib markii uu sheegay in Ivanka oo marka hore joogtay gudaha qolka shirku ka dhacayey, ay muddo gaaban fadhiisatay miiska waxa xaajoodku ka dhacayey, kadib markii ay sii buuxisay kursiga madaxweynaha oo ku qasbanaaday in uu bannaanka u yara baxo.

Arrintan ayaa sii kordhisay muranka marka horeba ka taagnaa mansabka runta ah ee ay Ivanka Trump ka hayso Guriga Cad ee Maraykanka iyo sida ay uga dhex muuqato siyaasadaha iyo talada dalka. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa ka mid ah dadka aan Maraykanka ahayn ee la yaabban kaalinta ay Ivanka ka ciyaarayso Guriga Cad, isaga oo ka hadlayey mar ay dhowaan booqasho shaqo ku tagtay Jarmalka ayaa uu ku faanay in arrintani ay tahay siyaasaddii iyo arrimihii qoyska oo la isku qasay, dadka Jarmalkuna aanay jeclaysanayn, “In la isku qaso siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha qoysku, waxa ay ina xasuusinaysaa habdhaqanka ah in qoyska loo xagliyo. Waana isu soo dhowaan aanay dadkayaga Jarmalku fahmi karin”