Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Diiday Xilka Uu Farmaajo U Magacaabay

0
611

Hargeysa(Geeska)-Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ka hadlay sababta uu uga cudur daartay xil uu madaxweynaha Somaliya Mr. Farmaajo u magacaabay oo ahaa guddoomiyaha guddiga taakulaynta ciidamada Soomaaliya.

Genera, Jaamac-yare oo u waramay warbaahinta Muqdisho wuxuu sheegay inuu ka cudur daartay xilkaas oo aanu qaban karin, “Xil aan qabtay ma jiro, xil aad qabatay ayaa la iska casilaa ee wixii la igu magacaaba ayaan ka cudur daartay.” ayuu yidhi Jaamac oo intaas raaciyay “Cudur daarka ugu weyni waxa weeye xilkaas ayaanan qaban karin sababtoo ah mashquul ayaan ahay oo hawlo kale ayaan qabtaa, madaxweynaha ismaanu arag laakiin rayslwassaaraha ayanau is aragnay oo ii sheegay una sheegay inaanan qaban karin, markaas inay sidaas ku dhammatay ayaan moodayay dabadeedna iyadoo xafladii la joogo ayuu madaxweynuhu iskaga dhawaaqay, meeshaasina meel laga buuqi karo nidaamka iyo asluubtu ma ahayn.”

Jeneral Jaamac-yare wuxuu sheegay inuu Farmaajo warbaahinta u mariyay inaanu xilkaas qaban karin, “Waanan ka cudur daartay waaanan sheegay, farriina waan u diray madaxweynaha.” ayuu yidhi.