Tony Blair Oo La Taliye U Noqday Madaxweynaha Masar Mr. Sisi

0
638

Picture4Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa si rasmi ah u aqbalay inuu la taliye u noqdo Madaxweynaha Masar Mr. Cabdifataax Siisi.

Wuxuu Mr. Blair Madaxweynaha Masar kala talinayaa dib u habaynta dhaqaalaha wadanka Masar oo ciirciiraya, waxaana caawinaysa oo qayb ka ah dawladda Imaaraadka Carabta.

Mr. Blair ayaa wuxuu Madaxweynaha Masar siin doonaa talooyin ku waajahan kobcinta dhaqaalaha Masar iyo shaqo abuur si ay Masar u soo jiidato maalgashiga shisheeyaha iyo dalxiisayaasha oo ka dabar go’ay tan iyo markii ay rabshaduhu ka bilaabmeen. Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska, ayaa shalay baahiyay arrintan, waxaanu sheegay in Mr. Blair oo hadda ah ergey qaabilsan bariga dhexe ay talaabadani sumcadiisa wax u dhimi doonto, iyadoo la ogyahay inuu sidoo kale Mr. Blair taageeray afgembiga uu Mr. Cabdifataax Siisi ku riday madaxweynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi.

Afhayeen u hadlay Mr. Blair oo u waramay wargeyska The Guardian ayaa sheegay inaanu shaqadan u gelin si uu lacag uga helo balse uu doonayo inuu ka qayb qaato kobcinta wadanka Masar, “Wuxuu madaxweynaha Masar siinayaa talooyin, waxaanu la yeelan doonaa kulamo, waa intaas uun.” Ayay tidhi haweenayda u hadashay Tony Blair.

Madaxweyne Masar ee cusub Mr. Sisi, ayaa dhawaan ku guulaystay doorasho uu dalkaas ka qabtay, waxaanu markii hore ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee afgembiyay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo si dimuqraadi ah loo doortay. Mursi ayaa ku jira xabsi.