Tirada Dadka U Dhimanaya Iyo Kuwa Laga Helay Covid_19 Ee Somaliland Kor U Kacday

0
495

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay kordheen Tirada Dadka u dhintay iyo kuwa laga helay Xanuunka Covid_19 ee dunida aad ugu faafaya.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi oo Jimcihii Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hal Qof oo cusub u Geeriyooday Xanuunka Covid_19, halka 11 Qof oo cusub-na laga helay Xanuunkaasi.

Qofka dhimashadiisa la shaaciyey Jimcihii Shalay ayaa tirada guud ee Dadka Covid_19 ugu Geeriyooday Somaliland ka dhigaysa 3, halka 11-ka Qof ee laga helayna ay tirada guud ee Dadka laga helay ka dhigayso 23-ka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi oo arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu yidhi  “Waxaanu hawl-gelinay oo shaqaynaya mishiinkii Casriga ahaa ee PCR, Dad badan ayaanu ka qaadnay dhiigag, Lixdan Qof ayaa illaa imika dhiig laga qaaday, 11 Qof baa laga helay Xanuunka (Covid_19) , 11-kaa Qof waxa ka mid ah Qof ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo isaguna ka hadlay Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiinta Wasaaraddu qabteen Jimcihii Shalay ayaa yidhi “Waxaynu ku darnay Tiradeennii hore 11 Qof, sidaasi darteed Dadka xanuunka laga helay waxay maraysaa 23 Qof, iyadoo Tirada Dhimashadu tahay 3 Qof”

Agaasime Xergeeye waxa kale oo uu sheegay “11-ka Qof ee laga helay waxay u qaybsan yihiin, 8 Rag ah iyo 3 Dumar ah, 8 Dadkaa ka mid ahi waxay joogaan Hargeysa, halka saddexda kalena ay joogaan Gobollada..”