Telesom Oo Casuumad Sagootin Ah U Samaysay Ciyaartoygii Reer Djibouti

3
682

Picture3Hargeysa (Geeska) – Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa casuumad casho sharaf ah u samaysay ciyaartoyga kubadda koleyga ee Caasimadda dalka Jabuuti ee loo yaqaano Jabuuti City, kuwaasi oo toddobaadkii u dambeeyay booqasho ku joogay Magaalada Hargeysa.

 

Munaasibada casho sharafta ah oo huteelka Ambassador ee Magaalada  Hargeysa ka dhacday habeenkii Jimcuhu soo galayey ee dhamaadka toddobaadkii hore, ayaa waxa ka qayb-galay Maamulka Shirkadda TELESOM, Wasiirka Wasaarada Dhalinyaradda Ciyaaraha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Cadaalada, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta,  Agaasimaha guud ee Wasaarada ciyaaraha, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga ee Somaliland, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga ee Jamhuuriyada Jabuuti, Gudoomiye Ku-xigeenkiisa, Ku simaha Xoghayaha Xidhiidhka Jabuuti,    masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha, ciyaartogay kubada Kolayga caasimada Jabuuti city iyo ciyaartoyga labada kooxood ee Gaashaan iyo Asluubta.

Ugu horayn waxaa hadalka bilaabay Cabdirashiid Caydiid oo ka mida bahda ciyaaraha Somaliland oo barnaamijkan xidhiidhiye ka ahaa, waxaanu hadalka uu ku furay  amaan iyo bogaadin uu u soo jeediyey shirkadda TELESOM, isaga oo sheegay in Shirkadda TELESOM qaadatay kaalintii ugu weynayd ee soo dhawaynta ciyaartooyda reer Jabouti “koobkii dahabiga ahaa waxaa qaadatay shirkadda Telesom oo aynu u fadhino casho sharaftii ay u samaysay sagootinka kooxda reer Jabouti ee walaaleheen ah” ayuu yidhi Cabdirashiid Caydiid.

Maamule ku-xigeenka Qaybta Xidhiidhka Dadweynaha iyo Suuq-geynta ee Shirkadda Teleosm Maxamed Cabdi Darbo oo isaguna markaa ka dib, hadlay ayaa yidhi “Ninka ciyaartoyga ahi waxa uu sitaa calankii dalkiisa iyo karaamadii dadkiisa, waxaanan looga baahan yahay inuu ilaaliyo akhlaaqda iyo dhaqanka dalkiisa iyo dadkiisa”

Mr Darbo, waxa kale oo uu sheegay “Umaddu waxa ay ku faantaa waa dhalinyarada, walow caqabado badani ay jiraan oo xaga Tahriibku inoogu  badan. Run ahaanti waxaa loo baahan yahay in laga yeesho istaraatiijiyad cad oo siyaasadeed oo xoogan laga qaato. Dhalinyarda la wacyi galiyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “ Waxaan ku boorin lahaa nimanka ciyaartoyga ah inay dadka ka wacyi galiyaan tahriibka”

Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal, ayaa isaguna si balaadhan ugu mahad celiyey shirkadda TELESOM oo uu sheegay inay  uga soo baxday ciyaaraha shirkadihii kale ee ganacsiga oo dhan taas oo ay markhraati u tahay sida ay shirkaddu had iyo jeerba garabka iyo gaashaankaba ugu tahay suurto galinta qabsoomidda ciyaaraha, isagoo arintaasi sharaxaaya wuxuu  “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa shirkadda TELESOM munaasibadan wanaagsan qabatay, iyadoo had iyo jeer wasaaradayada la barbar taagan baahiyaadka iyo waxay hadba ugu baahato, runtii aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa munaasibadan qiimaha badan ee ay qaban qaabisay".

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo ka mid ahaa masuuliyiintaa halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay Somaliland sharaf u tahay martigalinta ciyaaraha saaxiibtinimo ee dhex maraya ciyaartoyga Somaliland iyo Jabuuti “Annaga ka Somaliland ahaan aadbay sharaf noogu tahay inaanu martigalinay tartankii ciyaaraha kubadda Koleyga ee xulka reer Jabouti iyo Somaliland waxaanan xaq u leenahay inaan ka qaybgalo tartamada noocan oo kale ah ee lagu qabanayo wadamada kale” ayuu yidhi agaasimaha guud ee Wasaaradda ciyaaraha Somaliland.

Gudoomiyaha kooxda kubadda koleya xulka reer Jabouti Muuse Cali Caamir oo isaguna ka hadlay madasha xafladdan  lagu maamuusay sagootinkooda ayaa yidhi ““Runtii Somaliland waxaanu kala kulanay soo dhaweyn iyo qaabilaad aanaan markii horey filanayn waanan ku faraxsanahay inanau tartan ciyaareed saaxiibtinimo ah ugu nimaadno walaalahayaga reer Somaliland”

Maxamud Xasan Cabdillaahi oo ah gudoomiyaha xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland, ayaa isaguna yidhi “Annagu hadaanu nahay xidhiidhka kubadda koleyga Somaliland waanu ku faraxsanahay tartankan na dhex maray annaga iyo walaalahayaga reer Jabouti”

Comments are closed.