Telefishanka HCTV Oo Qaban Doona Tartan Suugaaneed Dhiirigelin Ah

0
456

Hargeisa (Geeska) – Agaasimaha Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa sheegay in si loo dhiiri geliyo da’ yarta ay qaban doonaan tartan suugaaneed.

1

Tartankan oo ay ka soo qayb geli doonaan bahweynta suugaanta curisa ayaa waxa uu xusay in ay u qoondayn doonaan badhtamaha sanadkan cusub ee aynu madaxiisii hada ku jirno. Sidaasna waxa uu ka sheegay madal uu Xalay Abwaan Nageeye Cali Khaliif ku soo bandhigayay suugaantii uu curiyay. Waxaana hadaladii Agaasimaha Telefishanka Horn Cable ka mid ahaa “Runtii marka hore waxa aan u mahad celinayaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo igu soo marti qaaday bandhig suugaaneedkan, waxaanan ku jiraa dadka aad looga yaqaano suugaanta, hasayeeshee waxa aan ogahay in bulshadu ay aad u xiisanayso oo xiisuhu igama madhna. In la isu yimaado oo kulamada caynkan ah la joogteeyo oo fekeradaha iyo aqoonta la isweydaarsadaa runtii waa muhiim. Waxaanan caawa halkan ka balanqaadayaa in telefishanka Horn Cable uu idiin qaban doono barnaamij tartan suugaaneed ah oo uu nin waliba ku soo bandhigi doono hibadiisa, kii maanso hayo, waa u furan tahay, kii gabay haya waa u furan tahay, kii afareey hayana waa u furan tahay, waxaanan jecelahay in ay aynu tartankaas qabano hadii alle idmo badhtamaha sanadkan aynu ku jirno” ayuu yidhi. Telefishanka caalamiga ah ee HCTV ayaa ka mid ah hormuudka muuq baahiyeyaasha soomaalida, waxaanu hore u soo qabtay tartan hore.