Telefiishanka ‘The Elephant’ Oo Sheegay Inay Somaliland Ka Jirto Dimuqraadiyad Leh Adkaysi Iyo Awood Isla Xisaabtan

0
647

Hargeysa (Geeska) – Warbaahinta Caalamiga ah ee ‘The Elephant’, ayaa wax ka qortay isla-markaana War-bixin muuqaal ah ka samaysay Dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland.

‘The Elephant’ ayaa War-bixinteeda oo lagu waraystay Sihaam Muumin oo ah  Haweenay Aqoonyahanad reer Somaliland ah oo Maraykanku Tababbaray, ayaa uu ‘The Elephant’ wuxuu Ciwaan uga dhigay ‘Somaliland: Halka Bariga Afrika ugu dimuqraadiyadsan’ ayaa wuxuu ku falan-qeeyay Marxalihii Somaliland soo martay iyo siday u dhistay Hanaan Dawladeed oo Dimuqraadi ah.

“Qarankan Somaliland ee aan Midowga Afrika iyo Bulshada Caalamku aqoonsnayn, muddadii 30-ka sanadood ahayd waxay farsamaysay Dimuqraadiyad naadir ah, taasi oo ah waxa ugu cajaa’ibsan ee ka hirgashay bariga Afrika..” ayuu ‘The Elephant’ ku sheegay War-bixintiisa, waxaanu intaas sii raaciyey in Hay’adaha Dawladda Somaliland lagu dhisay Xasuusta Xanuunka leh ee dhibaatadii uu Taliskii Dawladda Milletariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre u geysatay Shacabka Somaliland “Waxa lagu dhisay Hay’adaha Dawladda Somaliland Nidaam dhaqan iyo Xasuusta Xanuunka leh ee dagaalladii 1980 iyo 1991-kii…”

‘The Elephant’ waxa kale oo uu War-bixintiisa ku sheegay in sababta ay Somaliland u guulaysatay ay ka mid tahay inaan faro-gelin dibadeed lagu samaynin “Si aamusnaan ah oo guul ah ayuu Waddankan yari u dhisay dimuqraadiyad leh adkaysi iyo awood istoosineed.” Ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey in Bulshada Somaliland ee nabadda ku naaloonaysaa ay hadba dareenkooda ku muujiyaan wixii suurto-gal ah.

Ugu dambayn, Sihaam Muumin waxay ‘The Elephant Tv’ uga warrantay Dagaalkii SNM la gashay Dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre, waxa keenay iyo wixii markii ugu dambaysay ka dhashay guushii ay gaadheen, taasi oo ah in Somaliland Xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya 1991-kii.

 

Geeska.net/Hargeisa Office