Tartanka Koobka Adduunka Oo Caawa Si Rasmi Ah U Furmaya

0
625

Picture1Tartanka Koobka Aduunka ee Kubada Cagta oo ay ka qeyb galayaan 32-Dal, ayaa Caawa si rasmiya u furmi doono, waxaanu ka furmi doona dalka Brazil oo ku guuleeystay Sannadkan inay martigeliyaan Koobka Aduunka.

Tartanka koobka Aduunka oo aad loo wada sugaayey, ayaa waxa furitaankiisa ka soo qeyb galaya qaar mid Madaxda iyo Hogaamiyayaasha Caalamka, iyada oo Munaasibada furitaankana lagu soo bandhigi doono waxyaabo badan oo cajiib ah, iyo Heeso kala duwan, waxaana Xaflada Furitaanka laga soo jeedin doonaa khudbado kala duwan oo ku saabsan Tartanka Koobka Aduunka.

Ciyaarta ugu horaysa ee furitaanka koobka Aduunka waxa wada ciyaari doona Xulka Koobka Aduunka martigeliya ee Brazil iyo Xulka Croatia, oo ka wada tirsan Guruub A, halka Ciyaarta labaadna ay wada ciyaari doonaan Xulalka Spain iyo Holland, oo ka mid ah Xulalka ugu awooda badan Wadamada Aduunka, iyaga oo isku Guruub ah, kana wada tirsan Guruub B.

Dhinaca kale Tartankii Koobka Aduunka ee Tartankan ka horeeyey ayaa waxa ku guuleeystay Xulka Qaranka Spain, Xulalka loo saadalinayo inay hantaan Koobkan waxa ka mid ah Spain, Brazil, Jarmalka, Argentina, Portugal. Talyaaniga.