Da’dii Miyaa La Inaga Dhaafey, Mise Xisaabta Ayaa Inaga Qaldan.

0
653

Xilli an ku qiyaasayo iney aheyd 1999-kii ayaa xaflad lagu qabtey Hargeisa Business Center oo ku yaala xaafadda Xero Awr ee Gannad ka tirsan. Ma xusuusto xafladdu waxa ay ku saabsaneyd. Xaaji Cabdi Waraabe oo ka hadlaya xafladda ayaa inta uu farta ku fiiqey Feysal
Cali Waraabe oo agtayada fadhiyey ayuu yidhi " Feysal iyo dhalinyaradiinaa ayaa dalka hoggaamin doona mustaqbalka. Waxan isweydiiyey muxuu yahay mustaqbalka danbe ee u hadhsanaa Feysal iyo jiilkiisa. Feysal wuxu xiligaa taagnaa wakhtigii uu wax hogaamin lahaa, waxaanu ka mid ahaa dadka an u arkeyney odayaasha waaweyn ee dhalinyaraba noomuu xisaabsaneyn. Maanta oo dhowr iyo toban sanadood laga soo wareegey ayaa weli dadka qaarkii Feysal iyo jiilkiisa u heystaan dhalinyaro. Waa dhab oo 90 jirku 70 jir dhalinyaro ayuu u yahay. 80 jirkuna 60 jirkaa dhalinyaro u ah.
Maalin dhaweyd ayaan warbaahinta ku arkayey hadal la yidhi Madaxweyne Ahmed Mohamed Silaanyo ayaa yidhi oo odhanaya "Madaxeeynaha Soomaaliya waa nin dhalinyaro ah oo aan waaya aragnimo badan laheyn". Waxan is weydiiyey tolow dadkeenii ma xisaabtii da'da ayaa ka qaldantey. Maxey tahay dhalinyaranimada lagu sheegayo Madaxweynaha Soomaaliya? Da'dii shaqada lagaga fadhiisanayay sanad ayaa uuga hadhey oo 60 jir ayuu noqonayaa kal danbe
haddii Alle yidhaa. Isagaa ka da'weyn oo ka waaya aragnimo badan Barack Obama iyo David Cameron. Maxey tahay da'da u hadhey? Waxan is weydiiyey dhaqankan ah inaan dadkeenu weynaanba oo aan shaqada laga fadhiisan ama talada jiilba jiilka ka danbeeya ku wareejin amase aan mihnadda shaqo la bedelin ma wax inagu cusubaa mise waa wax soo jireen ah?
Markii xoriyadda loo halgamayey, Mohamed Ibrahim Cigaal (AHUN) waxa uu hoggaanka siyaasadda Soomaaliland ku qabtey isaga oo ah 28 jir. Waxaanu taariikhda ku galey inu ahaa hoggaamiye aragti dheer oo karti badan. Dadka kale ee xiligaa wax la hoggaaminayey laftoodu la da’ ayay ahaayeen. Wey jireen rag kale oo da’ weynaa Cigaal hoggaamiyayaal siyaasadeedna ahaa oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Cumer Askar (AHUN) iyo Axmed Xasan (AHUN), balse waxa odayaashaasi door bideen iney dhalinyaradu kaga haboontahay oo ay uuga firfircoontahay iney hoggaanka qabtaan.  Markii Siyaad Barre dalka qabsadey 1969 kii waxa uu xilalkii hoggaaminta dawladda u dhiibey raggii aqoonta iyo kartida lagu tuhmayey xiligaa oo uu wasiiro ka dhigey. Raggii xiligaa loo arkayey iney ahaayeen wasiirada u kartida iyo aqqonta badnaa waxa ka mid ahaa Madaxweyne Silaanyo, Ibrahim Meygaag Samatar iyo rag kale oo la da' ahaa. wasiiradii xiligaa da'doodu waxa ay u dhexeysay 29 illaa 34. Wa raggii loo
arkayey iney ahaayeen mudakarka aqoonta ee waaya aragnimadu ku dheehantahay. Golihii Sare ee Kacaanka ee xiligaa hoggaaminayey siyaasadda dalka waxa ka mid ahaa Ismail Ali Abokor, Cismaan Mohamed Jeelle, Bashiir, Abdilqadir Xaaji Masale iyo rag kale oo da'dodu aheyd 29, 30 iyo 33. Xiligaasi waa markii Soomaaliya ay horumarka sameyneysey ee isbedelka runta ihi ka socdey.
Oo haddaa tolow maxaa qaldan? Haddii carigeena ay u talin jireen 20 jir iyo 30 jir, maxaa iminka 50 jirkii iyo 60 jirkii loo leeyahay dhalinyaradii mustaqbalka ayaad tihiin? Dadbaa arintaa jawaabteeda yidhaa dad waa dadkii hore! Oo dadkii hore yaraan ayay xil ku qaadi jireen oo talin jireen. Caalamka guud ahaan iyo dalkeena gaar ahaan, dhalinyarada maanta joogta ayaa ka aqoon badan oo ka wacyi balaadhan dhalinyaradii hore. Taasi caalamka ayaynu kala mid nahay. Horumarka iyo isbedelka caalamka ka socda waxa keena badankoodu waa dhalinyaro iyo woxoogaa da’da dhexe ah. Tignooloojiyada maanta la adeegsado raga u isbedelka weyn ka sameeyey waxa ka mid ah Bill Gates oo wax yar uun ka weynaa 30 jir markii uu shirkadda Microsoft sameeyey iyo Mark Zuckerberg oo dhowr iyo labaatan jir ah oo Facebook sameeyey. Isbedelka iyo horumarka oo Vladimir Putin gaadhsiiyey dalka Ruushka ayaa ka badan intii ay gaadhsiiyeen 3 madaxweyne ee ka horeeyey. Iyaga oo 3 daa madaxweyne ee ka horeeyey ay isku aqoon ahaayeen ayaa Putin waxa uu dheera da’da oo uu ka yaryahay oo ka firfircoonyahay oo khatarta ayuu ka qaadan ogyahay.

Markii halgankii xoreynta dalka la bilaabey raggii talada gacanta ku qabtey intey da' ahaan leekaayeen? qaar ayaaba maanta ka nool oo ay ka midyihiin Mohamed Kaahin, Ahmed Mire,  Ibrahim Dhagaweyne iyo Dayib Gurey (AHUN), Abdirahman Aw Ali iyo Muse Bihi. Imisa jir ayay ahaayeen 1982 markii halganka la isu abaabulayey? waa 30 jir iyo wax dhowr sanadood ka weyn waxa da'doodu aheyd. Xiligaa ayay umadda hogaaminayeen. Ragga xiligaa wax hogaaminayey ayaa weli dad kugula doodayaan weli waaya aragnimo iyo da' ayaa u dhiman. Dadka doodaha noocaas ah wadaa waa 70 jiro weli arkaya kuwii ka waaweynaa ee 75 jirka ahaa oo ama xil haya ama xil doon ah.

Inta dunidu soo jirtey, is bedel dhab ah waxa keney dad da’ yar. Haddii ad isweydiiso, maxey ku kala duwanyihiin hoggaaminta da’da weyn iyo dhalinyaradu waxa jawaabtu noqoneysaa, wixii ad rabto in miyir iyo dulqaad lagu wado oo ay dariiq jeexan oo caadi ah ku socdaan waxa hoggaaminteeda ku fiican qof da’ weyn. Qofka da’da weyni wuxu leeyahay waaya aragnimo badan waxaanu jecelyahay inu wax kasta hal dariiq oo u yaqaan uun ku wado.qofka weyni ma jecla isbedel xawli ku socda. Wuxu jecelyahay inu habeenkii xilli go’an seexdo, xilli go’an shaqo tago, wax kasta waxa uu ku qiyaas qaataa wixii hore ee uu yaqaanney. Waxad arkeysaa qof ku odhanaya gaadhigii Land Rover ka ahaa wax ka wanaagsan ma jiro. Ama ingiriiskii wax ka maamul wanaagsanaa ma jiro. Hadda caalamku 100 goor ayuu isbedeley oo baabuur duuleysa ayaa soo baxdey. Dadka da’da weni lama heystaan tignoolojiga addunka socda oo maanta xawli ku socda.

Maxaa gaabis ka dhigey is isedelkii oo hortaagan in dhalinyaradu hoggaanka dalka qeyb muuqata ka qaataan?

Dadka shaqaalaha ah waxa ay leeyihiin da’ marka la gaadho ay shaqada ka fadhiistaan. Wixii da’daa ka danbeeya qofka waxa la siiya lacagta hawlgabka ama waxa loo yaqaan “Pension”. Inaga pension lama bixiyo, taasina waxa ay keentey inu qofku shaqada ku jiro illaa iyo inta uu ka dhimanayo. Waxa jira askar 60 jir iyo 70 jir ah oo weli askar ah. Waxa kale oo Iyana jirey odayaal qaar an aqaanney oo 80 gaadhey oo weli dawladda u shaqeynayey.

Wadamada caalamka, dadka siyaasadda muddo ku soo jiray waxa ay u wareegaan shaqooyin kale oo ay ka midyihiin iney macalimiin jaamacadeed, la taliyayaal shirkado, ganacsato. Balse waddankeena ma jiraan shaqooyin kale oo loo wareego. Takale, shaqada dawladda aqoon badan lagama korodhsado oo aan aheyn xalinta mushkiladaha ka dhex abuurma bulshada oo intooda badani hadal iyo in lala shiro odayaal beeleed. Mararka qaarkoodna waa lagu saaqidaa oo shaqada ay heysaa aqoonba ma rabto. Taasi ayaan u saamaxeyn in siyaasiyiinta badankoodu macalimiin ka noqdaan jaamacadaha.

Shaqadii guurtida ee lagu soo cano maaley sagaashamaadkii oo ay aheyd in nidaam dawladnimo loo gudmo ayaa ay iminka u muuqataa iney noqotey shaqo buuxda oo gashey meeshii laga rabey isbedelka, casriyeynta, wacyigelinta. Boqolaal odey ayaa inta ay caano isku soo shubeen la baxey cuqaal iyo salaadiin. Kuwii ay labadaasi ka buuxsantay ayaa la baxaya magacyo aynaan dhaqanba u alehyn oo ay ka midyihiin Boqor, Ugaas, Afhayeen iyo qaar kale oo la mida. Cimaamad duubashadu waxa ay noqotey mihnad cusub oo xataa dadka qaar ayaa inta ay qurbaha ka yimaadeen cimaamado duubtey iyaga oo u arka iney halkan ka dhawdahay.

Dawladdii ay aheyd iney dhiirigeliso dhalinyarada ayaa fursaddii siisey odayaashii cimaamadda watey oo kolba kooxo iyo beelo loola shirayaa.odayaashani iyaga dhexdooda mooyaane lama soo tashadaan dhalinyarada beeshooda iyo kuwa xaafadda ay wada degenyihiin. Aqoon ma soo kordhiyaan, dhalinyaradana gacan yare kama dhigtaan. Iyaga uunbaa hawsha isku kooba.

Qodobadan an kor ku sheegey iyo qaar kale oo la mida ayaa iska hortaagey in dhalinyaradii hesho fursad ay kaga qeyb qaataan siyaasadda dalka iyo hoggaaminta. Dhalinyaradii ayaa niyad jabtey oo aan rumeysneyn iney xil iyo mas'uuliyad qaban karaan. Taasi waxa ay keentey in 40 jirkii iyo 50 jirkii weli lagu sheego dhaliyaro, illeyn waa la isasoo gaadhey ooh ore ayaa loo kala socon waayey.

Rajada jirtaa waxa ay tahay in dadka da’doodu ka weyntahay ee dalkeenu ay yihiin tiro yar oo aan iska caabiyi Karin dhalinyaradu marka dimuqraadiyad la isku doorto ee la isku maamulo. Doorasho waxa footgareyn (Vote) dadka da’doodu ka weyn 18 jir iyo wixii ka weyn. Haddii dhalinyaradu is abaabusho oo ay ama axsaab furtaan ama kuwa jira la gorgortamaan si door muuqda looga siiyo, waxa hubaal ah iney si dhib yar hoggaanka dalka door muuqda ka qaadan karaan. 55 jir iyo wixii ka weyni waxa ay gacanta ku hayaa 90% siyaasaddii iyo hoggaamintii dalka. Sidaasooy tahay, 55 jir iyo wixii ka weyni ugu badnaan, haddii ay doorasho timaaddo codkoodu kama badna 15%. Awoodda umaddu waa dhalinyarada, waa haddii ay is gartaan oo ay halgamaan.

Maxamed Cali Bile

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com