Jaamacada Alpha Oo Qalabka Ciyaaraha Ugu Deeqday Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali

0
588

Hargeysa(Geeska)-Jaamacada Alpha ayaa qalabka ciyaaraha ugu deeqday dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta jaamacada Alpha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, gudoomiyaha jaamacada Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal iyo maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali.

Gudoomiyaha jaamacada Apha oo ka hadlay deeqdan qalabka ciyaaraha ee ay ugu tala galeen dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ayaa waxa uu sheegay inay jaamacadoodu hadyo jeer ka qayb qaadato waxyaalaha dhiiri gelinaya dhalinyarada Somaliland, waxaanu tilmamay inaanay ahayn markii ugu horaysay ee jaamacada Alpha garab istaagto dhalinyarada waxaanu yidhi “waxaynu halkan iskugu nimid inaanu qalab dhinaca ciyaaraha ah gudoonsiino wasiirka ciyaaraha Somaliland qalabkaas ciyaraha oo uu ku wareejin doono maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali,  iyada oo masuuliyadayadu tahay dhinaca waxbarashada ayaanu hadana dhinacaas u jeedsanay si aanu wasaarada iskaga kaashano si aanu u wada dhisno dhalinyaro iyo bulsho caafimaad qaba dalka iyo umadana wax u qabto, qalabkana maaha kii ugu horeeyey ama kii ugu danbeeyey, waxaanan rajaynaynaa inaanu dugsiyo kale gudoonsiin doono qalabkan oo kale, waxaanan wasaarada iska kaashaynaynaa sidii dhalinyarada loogu jihayn lahaa waxyaabaha wanaagsan.” Ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacada Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal.

Sidoo kale wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu jaamacada Alpha uga mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin dhalinyarada Somaliland, waxaanu yidhi “ aad ayaanugu mahad naqayaa jaamacada Alpha wax qabadka iyo qalabkan ay ugu tala galeen dugsiga Maxamuud Axmed Cali waxaanay tusaale u tahay in dhalinyarada wax lala qabto oo laga taageero waxbaashada iyo ciyaaraha, qof walibana wixii uu kari karo uu taro waxaanay tani cadaynaysaa inaanay  dhalinyaradu ahayn wax la kala leeyahay ee qof waliba uu waajib ka saaran yahay wax u qabashooda.” Ayuu yidhi wasiirka ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal.