Talo soo jeedin ku socota Madaxweynaha JSL Ismaaciil Xaaji Cumar Nuur (Foos)

0
634

Mahad Ilaahaybaa iska leh .

1

Ka dib salanta islaamka ,aniga oo ah  Ismaaciil Cumar Nuur (Foos) kana mid ahaa xildhibaanadii galay tartanka Golaha deegaanka Hargeysa,aanse ku guulaysan, hadana ah Musharaxiinta Golaha baarlamaank u taagan hadii ilaahy idmo,gaar ahaan Hargeysa,waxaan jeclahay tlo ku saabsan saami qaybsiga in aan kuu soo gudbiyo, oo haday anfacdo dal iyo dadka aan qaadato, taas oo ah sidan soo socoto:-

Waxaan Madaxweyne kugula talin lahaa in aad tirada Baarlamaanka kordhiso oo aad ugu qaybiso Gobolada adiga oo ka tilmaan qaadanaya tiradii 1960 u soo baxdey degmo walba

Borama   = 5 Kursi X 4: 20 Kursi

Hargeysa = 7 Kursi X 4: 28 Kursi

Berbera = 5 Kursi X 4: 20 Kursi

Burco =6Kursi  X 4:  24 Kursi

Ceerigaabo =5kursi  X 4: 20 Kursi

Laascaanood =5 kursi X 4: 20 kursi

Total;   132 Kursi

 Halkaa wx ka jira in berbera laga soo jaro 6kursi  oo hargeysa, 4, Kursi loogu daro, burcana 2 Kursi . isla markaana la xadeeyo Caasimada oo laga dhigo xadkeeda 25km, lagana saaro Gobolka M/Jeex . oo sadexda mid uun laga dhigo.

In Gobolka Hawd(t)iyo Gobolka Gabiilay loo qaybiyo xadkooduna noqdo laamida dacar budhuq , hadii kale lagu daro Gobol kale oo magaalo Madaxdiisu tahay cadaadley, kurastana loogu qybiyo sidan:-

Gobolka Hawd       7 Kursi

Gobolka Cadaadley 7 Kursi

Gobolka Gabiilay 7 Kursi 

Hadii laba Gobol laga dhigana waa 12 Kursi iyo 10 Caasimada ah, halkaana lagaga gudbo gobolka m/Jeex , waxa kale oo madaxweyne kuu soo jeedin lahaa  in magaalada Burcona laga dhigo sida Caasimada Hargeysa Xadkeeduna ahaa 25km , Loona qaybiyo sidan  :-Gobolka Odweyne 5Kursi

Gobolka Buuhoodle 5Kursi

Gobolka Bali-weyn 5Kursi

Magaalo madaxda Burco 1 Kursi

Halkaa waxa ku hadhaaya madaxweyna labada magaalo madax ee caasimada iyo lku xigeenkeeda haday ciddi cabaneyso waxay ka soo bixi karaan Caasimada Kuraasta taala ee faro is bideysa. Gobolada kalena sidaas oo kale loo raaco oo iyana noqoneysa sidan.

Laascaanood 20 Kursi

Gobolka Saraar 6 Kursi

Xaysimo 6Kursi

8 Kursi ee hadhayna laga doorto Gobolka Sool Caasimadiisa

Gobolka Sanaag =20 Kursi

Gobolka Badhan =6Kursi

Gobolka Cal-madow =5Kursi         (Ceel-afweyn)

9 kursi ee kalana laga doorto Gobolka Gudihiisa .

Sidaa daradeed madaxweyne iyada oo wax qabadkaagu aan la soo koobi karin waxa kaliya ee qaybo ah maanta ee dalka yaalaa uu yahay Saami qaybsigaas , waxaan Madaxweyne aniga oo aad iyo aad kugu amaanaaya wax qabadkaaga waxaan jecalahayn  in aad dhamaystirto qaybtirkaa saamiga qaybsiga , taas oo salkeedu ku fadhiyo in la kordhiyo Kurasta Baarlamaanta . lana furo dastuurka , cidda kaliya ee maanta la aamina karaana ay adiga tahay , madaama aanad ahayn musharax

Allaa Mahad leh

Ex-xildhibaan

Ismaaciil Xaaji Cumar Nuur (Foosi)