Qabsashadii Mexico iyo qaabka xiisaha leh ee uu Maraykanku kula wareegay Hawaii… Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali … Q:4aad
Dalalkii xulafada ku ahaa dagaalku, marka laga reebo Maraykanka iyo Ingiriiska, dagaalka waxaa ka soo gaadhay khasaare aad u weyn iyo hoos u dhac dhaqaale oo ka dhashay deymihii xad-dhaafka ahaa ee lagu yeeshay. Sida halkaas ka muuqata dagaalkaas Koowaad ee adduunku waxa uu Maraykanka siiyey fursad uu kor ugu sii socdo hiigsigiisa ahaa in uu noqdo quwadda adduunka, maadaama oo quwadihii kale ee jiray uu dagaalku hoos u celiyey.
7. Dagaalkii Labaad ee adduunku waxa uu burburiyey Yurub iyo Eeshiya, Laakiin Maraykanka Maya:
In kasta oo dagaalkani uu khasaare aad u weyn gaadhsiiyey dhammaan dhinacyadii ku lug lahaa, haddana Jarmalka io Jabaan oo ahaa labadii quwadood ee ugu muhiimsanaa Isbahaysigii Jarmalka Hitler taageersanaa waxaa ku dhacay khasaare nafeed oo aad u ba’an oo aan u dhigmin ka soo gaadhay xulafadii ka soo horjeedday iyo isbahaysigooda midna, sidoo kale waxa uu khasaare ballaadhani soo gaadhay Midowgii Soofiyati, Shiinaha iyo dalal kale oo Yurubta Bari iyo Bariga Eeshiya ahaa oo dagaalkan ka qaybgalay.
Dhimashadaa dagaallada ka dhashay waxaa dalalkan u dheerayd dhimasho intaas ka sii tiro badan oo labada qaaradood ee Yurub iyo Eeshiya ay dad ugu le’deen dagaallo sokeeye, macalluul iyo isir-sifayn, sido kale waxaa soo gaadhay burbur deegaan iyo dhaqaale. Dhibtaas ballaadhan ee dalalkan soo gaadhay waxa ay faa’ido u noqotay Maraykanka oo isagu dagaalkaas ka soo baxay isaga oo aan qabin khasaarahaa ballaadhan ee kuwa ay xulafada ahaayeen iyo isbahaysiga ka soo horjeedaba gaadhay, taas beddelkeedana hoos u dhacaa uu khasaarahaasi ku keenay quwadihii dunida ayaa sabab u noqday in isagu uu kor u kaco.
8. Waxaa burburay gumaystihii Yurub, waxaana soo hadhay Imbaraadooriyaddii Maraykanka iyo Ruushka:
Sannado yar kadib dagaalkii labaad ee adduunka, waxaa burburay mashruucii gumaysi ee reer Yurub oo qarniyo badan soo jiray. Sababaha keenay burburka Isticmaarka reer Yurub waa ay badan yihiin, waxaa ka mid ah, dhaq-dhaqaaqyadii gobonnimo-doonka ahaa ee ka soo bilowday Laatiin Ameerika, kadibna huriyey Afrika, oo ahaa labada qaaradood ee dalalka ku yaalla ay reer Yurub sida aadka ah u gumaysanayeen, waxa kale oo ka mid ahaa dhaqaalihii reer Yurub ee burburay oo kallifay in ay is-ballaadhintii ka noqdaan oo ay dib ugu ururaan dalalkoodii iyo sabab kale oo ah reer Yurub oo dareemay in nidaamka cusub ee ay dunidu gashay dagaalkii labaad kadib aanu marnaba suurtogal ka dhigayn gumaysigii, waxaa intaasba sii dheeraa masiibooyinkii gumaysigu sababta u ahaa ee dhacay dagaalka kadib, sida masiibadii Kanaalka Suweys ee sannadkii 1956kii. Arrimahan iyo kuwo kale oo badan oo isu tegey waxa ay ku dhammaadeen natiijada ah in dunida awooddeedii ay ku soo ururto laba quwadood oo keliya, laakiin labadooduba isir ku leh Yurub, waa Maraykanka iyo Midowga Soofiyati.
9. Qaybsankii dunida ku dhacay xilligii dagaalkii qaboobaa:
Maraykanka iyo Midowga Soofiyati waxaa ka arriminayey laba Aydiyoolajiyadood (Aragtiyood) oo loollan iyo laacdan badani ka dhexeeyo, waa nidaamkii Hantiwadaagga ahaa ee Ruushku calanka u qaaday iyo nidaamka Hantigoosadka ee Maraykanku hoggaaminayey, sidoo kale waxaa labadan dhinac dhex maray dano isburinaya oo qasbay in ay ku tartamaan, kuwaas oo u badnaa danaha ay ku leeyihiin Yurub iyo Eeshiya, intaasba waxaa sii dheeraa shaki qoto dheer oo labadan dhinac mid kastaa ka qabay dhagaraha laga yaabo in uu kan kale la’maaggan yahay si uu u tirtiro. Laakiin in ay dagaallamaan waxaa hor istaagay quwaddoodii hubka Nukliyeerka ahayd ee cabsida badan abuurtay, sidaa awgeed halkii ay dagaal hubaysan ka geli lahaayeen waxa ay ku beddeleen loollan iyo tartan ay u galaan saamaynta ay dunida kale ku leeyihiin. Mid kastaa waxa uu sabab u noqday afgembiyo milateri oo ka dhacay dalal, waxa ay kala taageereen dhaq-dhaqaaqyo kala aragti ah iyo fallaagooyin dawlado duminayey, waa aanay kala taageereen, keli taliyeyaal kala aragti ah, goob kasta oo dunida ka mid ahna waxaa ka qarxay dagaallo ay iskaga soo horjeedaan kooxo metelaya labadan quwadood, (Aragtidooda iyo taageeradooda ku kala socda). Mid kasta oo labadan quwadood ka mid ahi waxa uu samaystay xulafo, saldhigyo ciidan oo dalalka dunida ku filqan iyo ciidan qalab ahaan iyo tayo ahaanba u xoog badan oo mid kastaa uu doonayey in uu dunida ku qabsado.
Tartankaas iyo loollankaas adag oo sababay in labadan dhinac mid kasta awooddiisu si aan la qiyaasi karin u korisay, ayaa ku dhammaaday burburkii sida kediska ah u kala diray jamhuuriyadihii ku midaysnaa Midowga Soofiyati, waxa aana dunidii ku soo hadhay Maraykan oo leh awood caalamiya oo dhinac walba ah, cududda iyo qalabka milateriga, dhaqaalaha iyo dhinaca diblumaasiyaddaba. Waa uu Maraykan noqday awood weyn oo aanay dunida ka jirin cid kale oo la tartamaysaa.
10. Dhismihii Gaashaanbuurta NATO ee Yurub calanka keliya ku soo hoos ururisay:
Sannadkii 1948kii ayaa uu Midowga Soofiyati ciidamadiisa u diray magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo u qaybsanayd laba daamood oo dhinaca galbeed iyo dhinaca bari ah. Isla sannadkii xigay weerarkan Midowga Soofiyati ayaa quwadihii Yurubta galbeed ay u durkeen dhinaca Maraykanka iyo Kanada, waxa aanay la saxeexdeen axdi-wadareed difaac. Waana heshiiska uu ka dhashay Isbahaysiga Milateri ee magaciisa loo soo gaabiyey NATO, shaqadiisa ugu weynina ay ahayd in laga hortago weerar kasta oo ka yimaadda Midowga Soofiyati iyo in la dheelli-tiro joogtiaanka Midowga Soofiyati ee Yurub.
NATO waa ay isa sii ballaadhisay, waxa aana ku soo biiray dhammaan dalalkii reer Yurub ee dhinaca galbeed ka xigay Midowga Soofiyati, kuwaas oo ku midoobay aragtida ah in a leeyihiin ‘Cadow keliya’ waxaana ugu awood badnaa oo horkacayey Maraykanka. NATO waxa ay dammaanad qaadaysaa xasiloonida Yurub iyo ammaanka xubnaha NATO ku bahoobay, laakiin tallaabadaas reer Yurub ku hoos galeen isbahaysiga Maraykanka, nimcada ay ka heleen oo ahayd in Midowga Soofiyati nabadgeliyey, waxaa ku lamnaannayd nusqaanteeda oo ahayd in dalalkii Yurub ay ku tiirsanaadaan quwadda Maraykan, aakhirkiina ay ku qasbanaadaan in ay u hoggaansamaan danihiisa iyo doonistiisa badankeeda. La soco…