Tallaabooyin Uu Facebook Qaaday Oo Loo Fahmay In Isticmaaleyaasha Mustaqbalka Lacag Laga Qaadi Doono

37
2788

Washington (Geeska)- Barkulanka bulshada ee Facebook ayaa bilaabay in dadka ku dhex leh ururradu (Group) ay xubnahooda ka qaadi karaan qaadhaanno ay shardi ka dhigtay in ay u dhexeeyaan shan illaa soddon (4.99 – 29.99) doolar bil kasta, si ay u galaan ururrada faraca, gaarka loo leeyahay ah eek a qaybgalkoodu cid gaar ah u xidhan yahay.

War ay shirkadda Facebook soo saartay toddobaadkii hore ayaa ay ku sheegtay in ay jirto tiro kooban oo ah ururrada (Groups) la xidhiidha arrimaha aabaha, hooyada, cunto karinta iyo nidaaminta guryaha, kuwaas qofka ugu horreeya ee samaysta uu facebook fursad u siin doono in uu samayn karo ururro hoosaadyo u gaar ah oo xubnahooda laga rabo lacag bille ah. Taas oo macnaheedu yahay in dhowaan aynu qaar ka mid ah ururrada ka dhex dhisan Facebook (Facebook groups) ka mid noqoshadooda ku bixin doonno lacag.

Adeeggan cusub ee Facebook bilaabay ayaa lagu magacaabaa ‘Subscription Groups’ oo looga jeedo ururrada lacagta lagaga mid noqonayo, si tijaabo ah ayaana adeeggan loogu sii daayey dad kooban, laakiin haddii ay caddaatay in adeeggu si fiican u shaqeeyo, waxaa uu Facebook qorshaynayaa in qof kasta oo u ogolaado in uu samaysto bog ama urur facebook oo xubnaha ku soo biiraya lacag yar uu ka qaato qofka samaystay ururku. “Waxa aanu maqlaynaa dadka masuulka ka ah ururrada facebook oo raadinaya hab ka caawin kara in ay helaan dhaqaale ay u adeegsadaan sii adkaynta xidhiidha xubnaha ku wada jira ururka, iyo in bulshooyinkooda ay taageeraan” Sidaa waxaa yidhi agaasimaha waxsoosaarka ee shirkadda Facebook Alex Dive. Isaga oo intaas ku daray imika jirto in masuuliyiin badan oo maamula ururro facebook ka samaysani ay raadiyaan habab kale oo ay qaadhaanka kaga guraan xubnahooda, tanina ay tahay hab loo fududaynayo hawshaas.

Masuuliyiinta Facebook waxa ay sheegeen in barnaamijka uu qofka ururka maamulayaa ka soo galo Facebook, sida iOS ama Android uu lacagta xubnaha laga qaado boqolkiiba 30 khidmad ahaan u qaadan doono, wixii dambana sannadkii heli doono boqolkiiba 15. In facebook ay khidmaddan soo rogtaana waxa ay mar kale in tusaysaa suurtagalnimada in masuuliyiinta Facebook ay ku sii socdaan fikirka ah in ay mustaqbalka lacag ku soo rogaan dadka isticmaalaya barkulankan oo ah ka dunida ugu weyn.

Tijaabada barnaamijkan bogagga lagu bilaabay waxaa ka mid ah bogga ‘Declutter My Home’ oo dadka lagu baro habka ugu fiican ee ay guryahooda u qurxin karaan, alaabta u taallana si nidaamsan ugu dhigi karaan. Waxa aanay dadka ku jira ururkani helaan barnaamijyo waxbarasho oo la xidhiidha arrintaas, fiidyowyo tusaaleyaal ah iyo qoraallo qofka caawinaya.

Dad badan ayaa ku dooda in Facebook oo lacag laga dhigaa ay tahay habka ugu fiican ee bartan looga dhigi karo mid xakamaysan oo aanay cid kastaa xubin ka noqon, sida oo kale dadka facebook u adeegsada xogaha xasaasiga ah ayaa aaminsan in xayeysiisyada facebook ay khatar ku yihiin sirahooda, maadaama oo Fayras la soo raacin karo ama dad ujeeddo kale lihi soo dhex mari karaan, sidaa awgeed in qofka lacag yar laga qaadaa ay caawin doonto in uu shirkadda xaq ugu yeesho in aan isaga xayeysiisyadaas loogu soo dirin boggiisa.

Waxaa iyaduna jirta in habkani uu yahay mid dadka dadaalka badan ee bulshadooda ka caawiya aqoon korodhsiga iyo arrimaha bulsho ee muhiimka ah uu u noqon doono dhiirrigelin, maadaama oo ay dhaqaale yar ku heli karaan hawshan ay imika lacag la’aanta ku wadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here