Taliye Nuux Taani Oo Sheegay In La Siyaasadeeyay Tabashadii Ciidammada Qaranka Somaliland, Farriina u Diray Siyaasiyiinta Dalka

0
534

Sool (Geeska) – Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay Tabashooyin la sheegay inay Ciidammada Qaranku muujiyeen Maalmihii la soo dhaafay.

Taliyaha oo ka mid ahaa Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo kormeer ku soo maray Fadhiisimaha Ciidammada Qaranka ee Jiiidaha hore ee Gobolka Sool, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in la siyaasadeeyo oo la buunbuuniyo Tabashadii Ciidammaada Qaranka, halkii ay ka ahayd in laga aamuso ama wixii la tari karo la taro.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey Ciidamo ka mid ah kuwo ay fadhiisimadooda ku booqdeen, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Waan ahaan jiray Ciidan, Madaxna waan ka ahaan jiray oo Kornayl baan ka gaadhay Dawladdii hore, gaashaanle sare waan ka gaadhay, Ragna waan xukumi jiray, Ciidankani waa Ciidan wanaagsan, wanaaggooda waxa ka mid ah Dadka ay la joogaan si fiican bay ula dhaqmaan, Dadka ay la nool yihiina amaan bay ka sheegtaan, amarka ay qaateen waa inta aynu dheeraanay Soomaaliyadii hore, markaa haddii wax kale loo waayo waad Mahadsan tahay ayuu Mudan yahay.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidanka Somaliland wanaagsan yahay, haddii Maalin wax ka khaldameena aanay ahayn in la buunbuuniyo “Ninka 99% wanaagsanaaday ay Maalin Ilaahay baan qaldamine wax ka khaldantana in la buunbuuniyo maaha ee wanaaggiisa in la eego ayay ahayd ama laga aamuso ama wixii lagu tari karayo lagu taro, laakiin Rag baa siyaasadeeyay oo ah Ragga la ilaalinayo oo waxay doonaan ku hadlay, hadda kuwaasi Ciidanka la’aantood halkaa may fadhiyeen, Raggani (Ciidanka Qaranka) waxaa ma istaahilaan ee wax wanaagsan ayay istaahilaan, markaa ka daa’ waa ku ilaaliyaane, waad Mahadsan tahay uun dheh.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nimanka Siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay, Annagu waxaanu halkaa u taaganahay marba Ninkii Qaranka Madax u noqda inaanu Salaanta siino, markaa waxaanu leenahay waanu idin ilaalinaynaa ee yaan lana dacaayadaynin.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in marka dib u soo laabtaan ay Madaxweynaha u gudbin doonaan War-bixin ku saabsan Xaaladda Ciidanka “Shacabkiinu wuu idin jecelyahay oo waxaad u haysaan bay og yihiin, Dawladduna waxba idinka hagran mayso, Annaguna waxaanu hayno idinka hagran mayno, markaanu soo baxaynayna Annaga iyo Wasiirku Madaxweynuhu wuu idin soo salaamayey, markaanu noqonana Madaxweynaha War-bixinta waanu u sheegi..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office