Taliye Fadal Oo Ka Hadlay Weerarkii Guriga Cirro Iyo Geeska Afrika Oo Helay Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dadka Falkan Weerarka Ah Loo Qabtay

0
1317

Hargyesa(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland  sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa daboolka ka qaaday inay gacanta ku dhigeen shan ka mid ah kooxihii weeraray guriga musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo laba gaadhi oo gaadiidkii ay wateen ka mid ah.

Waxa uu taliyaha ciidanka boolisku sheegay inay xooga saarayaan sidii nabadgalyada loo sugu lahaa isla markaasna aanay cidna u dulqaadan doonin, waxa uu arimahan taliye Fadal kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta guud ee taliska ciidanka booliska waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Xalay 27-kii (habeen hore ) bisha ahay waxa ay kooxo dhalinyaro ahaa oo gaadiid watay ay weerareen guriga guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waa ay shiideen, ciidanka booliska markii ay dhacdadaasi soo gaadhay waxa uu galay hawlgal balaadhan heegankii guud,saraakiil saldhigyada ah ayaa goobtii tagay, ciidanka boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen afar qof  oo dadkii falkaas gaystay ah iyo laba baabuur, sida oo kale waxa uu waalidkii keenay hal wiil oo aan u mahadcelinaayo, markaan isku celiyo dhacdadaas  oo ah mid ugub ah oo aan ciidanka boolisku u dulqaadanayn talaabo adag oo sharci ahna cid kasta oo ku kacda arintaas uu ka qaadayo, dhamaantoodna waxaanu horgayn doonaa sharciga.”

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”sida oo kale xafiis ku yaala xaafada Sheekh Madar guri uu leeyahay xisbiga Kulmiye waxa weeraray dhalinyaro aad u faro badan oo xaafada Sheekh Mubaarik ka soo duushay ciidanka booliska oo heegan ku jira markii uu halkaas ka hawlgalay, kooxdaasna nin dhalinyaro ah ayay ka qabteen. waxaan halkan ka cadaynayaa kooxdaas weerartay guriga guddoomiyaha xisbiga Waddani cidda maqan ciidanka boolisku ka hadhimaayaan, waxay ka qaadayaan talaabo adag oo sharciga waafaqsan waana la raadinayaa, waxaan u sheegayaa waalidka dhalinayradaas dhalay in iyaga laftigooda saamayn doonto haddii ay ubadkooda edaab u yeeli waayaan oo ay ubadkaasi isku dayaan inay nabadgalyada khalkhal galiyaan arintani maaha mid sahalan, waa mid nabadgalyada khatar ku ah.”

Magacyada

Geesta kale, waxa wargeyska Geeska Afrika u suurtogashay inuu helo qaar ka mid ah lix xubnood oo ay ciidamada Boolisku falkan u qabteen, kuwaas oo kala ah

  1. Barkhad Batuun
  2. Iid
  3. Xamse Xasan
  4. Cabdimajiid
  5. Axmed
  6. Hodan