Taliye Fadal Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dhallinyarada Bacadlayaasha Ee Haweenka Faraqa Qabsada

0
1188

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada booliska Somaliland  sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa soo kormeeray xalay suuqa ganacsiga ee Hargeysa ee Waaheen kaas oo aad u mashquulsanaa isla markaasna ay ka hawl galayeen ciidamo boolis ah oo aad u badan kuwaas oo sugaayay amniga suuqa, waxaanu digniin iyo hanjabaad u diray dhallinyarada bacadlayaasha ah ee dumarka qab-qabsada markay dhex marayaan.

Suuqa ayaa haatan ah mid aad u mashquul ah, waxaanu taliye Fadal sheegay inuu kormeerayo hawlgal baryahaaba socday oo uu hoggaaminayay taliye ku xigeena ciidanka booliska kaas oo logu diyaar garoobaayo ciidda guud ahaanba Somaliland. Waxa uu taliye Fadal faray ciidanka booliska ee dalka inay sare u qaadaan heegankooda, waxaana isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “Kormeer aan ku eegayay hawl gal taliye ku xigeenka koowaad ee ciidanka boolisku uu maalmahanba waday oo ku saabsan ilaalinta nabadgalyada guud ee dalka iyo u diyaar garowga ciida soon fur ee inagu soo socota, waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland  iyada oo ciidanka boolisku uu mar walba Alle talo saaranaayo inay diyaar u yihii inay ilaaliyaan amniga qaranka iyo ta bulshada reer Somaliland. Ciidanka booliskana waxaan farayaa inay dadkooda si wanaagsan ula dhaqmaan, xataa qofka danbiga galaa waxa uu leeyahay xuquuq waana in la ilaaliyaa shacabkana waxaan u sheegayaa aniga oo u mahadnaqaaya inay ciidanka booliska ay la shaqeeyaan.”

Taliyaha ciidanka boolisku waxa uu sheegay in talaabo laga qaadi doono dhalinyarada bacadlayaasha ee hablaha soo jiita wakhtiga wax iibsiga oo aan dhaqan ahaan ahayn wax fiican”Waxa jira kooxo dhalinyaro ah oo waxaan dhaqankeenu ogalayn,sharciga ama diinteenu aanay ogolayn ku kaca  oo dumarka soo jiita waxaan uga digayaa cida arintaas lagu qabto iyada oo gudida iyo bacadlayaashuba ay arintaas nagala hawl galeen, cida ciidanka boolisku ay arintaas ku qabtaan in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here