Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Oo Ka Warbixiyay Tirada Tahriibayaasha Ee Ay Qabteen

0
571

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha laanta socdaalka gobolka gabiley gaashaanle abdirashiid xaaji ahmed xasan ayaa ka warbixiyay tirada tahriibayaasha kala duwan ee ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ka ciidan socdaal ahaan iyo caqabadaha kala duwan ee ay kala kulmaan la dagaalanka tahriibayaasha .

untitled

Taliyuhu wuxuu yidhi isaga oo arimahaasi ka hadlaya “waxa aanu habeen iyo maalinba la dagaalanaa tahriibayaal kala duwan oo u kala socda jihooyin kala duwan kuwaasi oo kala ah tahriibayaal somalilander iyo tahriibayaal itoobiyaan ah kuwaasi oo aanu inta badan ku hawlanahay sidii aanu uga hortagilahayn ugana badbaadin lahayn in ay nafahooda halaagaan oo ku biimeeyaan wadamo aanay u dhalan oo aanay ogayn in ay nolol ku gaadhaan waayo waynu ognahay xaaladaha iyo duruufaha ku xeeran jidadka adag ee loo maro tahriibta guud ahaanteed tirada guud ee aanu sanadkan sii dhamanaya qabanay somalilander ku waa 447 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdhoba kuwaasi oo aanu ku wareejinay intooda badan waalidiintood waxana xusid mudan culayska aanu saarnay darteed in ay bilba bisha ka danbaysa sii yaraanayeen bishan u danbaysa sanadkan sii dhamanaya ay noqotay tiradii ugu yarayd ee aanu qabano taasi oo ah 13 qof sidoo kale waxaanu sanadkan sii dhamaanaya ku guulaysanay in aanu gacanta ku dhigno oo wadankoodii u celino tahriibayaashii ugu badnaa ee aanu qabano kuwaasi oo iyagu aad iyo aad uga badan tahriibayaasha somalilanderka ah waxaana dedaal badan oo aanu samaynay ka hortagoodu noo suurto galisay in ay hada sii yaraanayaan tahriibayaasha itoobiyaanka ahi waxaana ay noqonaysaa tirada guud ee aanu qabanay dalkoodii itoobiyana ku celinay tiradoodu 15202 qof oo isugu jira rag iyo dumarba taliyaha laanta socdaalka gobolka gabiley gaashaanle abdirashiid ahmed hasan waxaa uu xusay duruufo iyo xaalada kala duwan oo ka haysata tahriibayaasha kala duwan kuwaasi oo uu ka xusay in aanu jirin xeer ciqaabeed adag oo qabanaya cidkasta oo ay ku soo qabtaan tahriibayaashaasi.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “taasina waxay keentay in ay ku diiradaan mukhalasiinta iyo magafayaasha kala duwan ee ku hawlan ama ka shaqaysta tahriibayashu sababtoo ah waxaa dhacda marka aanu soo qabano tahiibayaasha iyo magafayaasha ka shaqaysta ee aanu horgayno maxkamada lagu xukumo xeerka socdaalka somaliland ee xeer 72 kaasi oo la sameeyay 21 sano ka hor islamarkaana aan lahayn qodobo adag oo lagu rido eedaysanayaasha lagu soo qabto tahriibayaashaasi kala duwan teeda kale caqabada labaad ee naga haysata tahriibayaasha waxaa ka mid ah in marka aanu soo qabano ee soo xidhno sharcigana horgayno si loo xukumo waxa aad arkaysaa dad badan oo kala duwan oo u ordaya sidii ay u siidaynlahaayeen mukhalasiintaas iyo magafayaashaasi kala duwan waxaana ay ka midtahay caqabaha aanu sida joogtada ah ula kulano waana arin u baahan in laga wacyi galiyo cuqaasha iyo odayaasheena muxtarimka ah in aanay gacan kagaysan mukhalasiinta iyo cidkasta oo gacanta lagu dhigo iyaga oo hawlahaasi tahriibinta faraha kula jira ugu danbayn taliyuhu waxaa uu digniin u soo jeediyay cidkasta oo hawlahaasi faraha kula jirta oo lagu soo qabto in ay sharciga la tiigsandoonaan una naxariisandoonin cid kasta oo ay tahayba kana niyad jabidoonin ladagaalanka tahriibayaasha duruuftii doontaaba ha jirto e