Wajaale(Geeska)-Taliyaha ciidanka booliska Maxamed Aadan Dabagale ayaa ciidamada faray in aan qaadka lagu arki karin marka ay saldhigyada joogaan,marka ay dirayska xidhan yihiin iyo In gaadiidkoodu uu istaago goobaha qaadka laga iibsado.
Taliyaha ciidanka booliska ayaa sidan ka sheegay socdaal uu ku tagay Gabiilay iyo banka la beero ee Wajaale, waxaanu isaga oo bankaas ka hadlaayay uu yidhi“ Xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhaxeeya inaan wanaajino weeye ta laysku haystaa waataas, taan doonayno inaan wax ka badalno waa taas xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhaxeeya waan badalaynaa waan wanaajinaynaa, marka la soo qabanaayo qofka dhibanaha ah ee kuu soo ashkatooday waa la raacayaa si wanaagsan oo edeb leh ayaa loogu soo qabnayaa,qaadku sadex goorba waa mabnuuc markaan saldhiga joogno waa mabnuuc,markaan labisanay inaan qaadanaana waa mabnuuc gaadhigeenu inuu iibsado oo uu istaago isagoo calankaas madow leh waa mabnuuc, ninka doonaya inuu rasaas isla dhacow aqalkaaga gudhiisa iskula dhac lama ogola, iska daaya idinkana way diin fiican tahay. ”