Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Hawlgalo Ay Hargeysa Ka Fuliyeen Oo Rag Lagu Qabtay

0
645

Hargeysa(Geeska)-Taliska Booliska Somaliland ayaa ka hadlay hawlgalo ay ciidanka Boolisku habeen hore ka fuliyeen magaalada Hargeysa, kuwaas mid ka mid ah uu ku dhaawacmay sarkaal Booliska ka tirsani.

ffffffffffffffff

Afhayeenka booliska Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis oo shalay galab saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Boolisku habeen hore fuliyeen afar hawlgal oo lagu guulaystay, marka laga reebo sarkaal dhaawac soo gaadhay.

Afhayeenka Boolisku wuxuu yidhi “Waxay ciidanka boolisku xalay [habeen hore] Hawlgalo ka sameeyeen afar goobood, saddex goobood oo ka mid ah sidii la rabay  ayay u dhacday oo waa lagu guulaystay, mid ka mid ah waxa lagu dhaawacay sarkaal xigeen ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana ka soo gaadhay dhaawac fudud, Cisbitaalka Hargeysa ayaanu ku suganyahay.”

Afhayeenka oo ka hadlaya cidda loo qabtay falkan wuxuu yidhi  “Ciidanka Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen ninkii dhaawacaas gaystay iyo nin kale oo la joogay, kiiskaas waa la baadhayaa wixii ka soo baxana maxkamadda ayaa loo gudbinayaa.”

Boolisku ma faahfaahin sababaha hawlgalka keenay iyo waxyaabaha lagu tuhmay dadka la qabqabtay, iyadoo lagu gudo jiro dabaal dega maalinta qaranimo ee 18 May.

Geesta kale, taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan maalmaha lagu jiro dabaal degga 18 May, wixii ay arkaan ee ay ka shakiyaan la socod siiyaan ciidamada Booliska.

Wuxuu kaloo taliye Fadal u digay dhallinyarada dabaal-degyada samaysa ee baabuurta ku kaxaysa xawaaraha sare oo uu ugu hanjanabay in talaabo laga qaadi doono.