Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Dil Xalay Fiidkii Ka Dhacay Hargeysa Iyo Dil Kale Oo Ka Dhacay Xeebta Waqooyi

0
552

Hargeysa(Geeska)-Taliye-xigeenka ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdiraxmaan Fooxle, ayaa ka hadlay dil xalay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa iyo dil kale oo ka dhacay xeebta waqooyiga.

1

Taliye Fooxle, wuxuu xaqiijiyay in nin afka soo duubtay uu xalay fiidkii meherad ugu galay ninkii lahaa oo uu dabadeed toogtay, waxaanu ninkii la toogtay u geeriyooday dhaawicii soo gaadhay. “Salaadii  Makhrib ayaa lanoo soo sheegay in nin madaxa duubtay uu nin farmasi  haysta u galay oo isagoo baastoolad sita uu togtay. Ninkaas la dilay qof ayaa loo hayaa, markii Cisbitaalka la geeyay ayuu geeriyooday, cid ayaana u xidhan, baadhisteediina way socotaa.” ayuu yidhi Fooxle.

Wuxuu taliyuhu intaas raaciyay in ninka dilka gaystay uu yahay nin shacab ah, “Shacab ayuu ahaa ninkaasi, baadhistana kama hordhacayo, laakii ninkaasi [marxuumka] warbixin hore ayuu geeyay cidda hawshaas ka dambaysa ee suurtogal ah inay disho, markaas baadhistiisii way socotaa.”

Taliye Fooxle oo ka hadlaya dilka kale ee ka dhacay xeebta wuxuu yidhi “Nin askariya oo ciidanka booliska ka tirsan oo ka yimid xeebta, ayaa baabuurkii ay wateen baabuur lagu hor gudbay, dabadeed wuu ka soo degay oo qorigii uu sitay ayuu ku waabiyay nin baabuurkan ka horeeyay ka soo degay, dabadeedna rasaas ayaa kaga dhacday ninkaasina wuu dhintay. askarginiina wuu xidhanyahay.”