Hargeysa (Geeska)- Waxaa maalin kasta saaxadda is-gaadhsiinta ee caalamiga ah ku soo biira adeegyo hor leh oo bulshada u sahlaya in ay ku xidhiidhaan farriimaha qoraalka ah iyo kuwo cod ah, labadaas adeeg oo muddo dheer ahaan jiray kuwo u xidhan shirkadaha talefannada oo keliya, lacag aad u badanna ay ku qaadan ayaa muddooyinkan dambe aad u soo furfurmaya, waxaana soo kordhaya adeegyo hawshaas qabanaya oo badankoodu bilaash yihiin ama ugu yaraan qiimo aad u jaban la siinayo. Waxaa ka mid ah adeegyada Viber, Skype, WhatsApp, Facebook Messenger iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin oo dhammaantood qofka u sahlaya in uu farriimo qoraal ah diro iyo in uu talefanno bilaash ah ka dhex dirsado Internet ka, waxaana bilowday in shirkadahan oo iyagu ka faa’idaysanaya dhinaca xayeysiisyadu ay ku tartamaan tayeynta iyo wanaajinta adeegyadan dadka ka furanaya ganacsigii faa’ido doonka weyn ku dhisnaa ee shirkadaha isgaadhsiintu ku hayeen dunida. Wargeyskan Geeska Afrika oo arrimahan u guur galay ayaa ogaaday in adeegyada is-gaadhsiineed ee ugu dambeeyey ee internet-ku fududeeyey uu ka mid yahay, Foxy Call (http://foxycall.com) oo suurtogelinaya in qofka internet heli karaa uu talefanno iyo farriimo qoraal ah oo lacag la’aan ah dhex marin karo adeeggan oo marka hore la is diiwaan gelinayo.
Adeeggan Foxy Call oo dadka illaa hadda isticmaalay ay dunida oo dhan aad uga soo dhoweeyeen, tayadiisa, saafinimada codka iyo fudaydka isticmaalkiisu waxa uu sii xoojinayaa adeegyada hore u jira yee caanka ah, oo uu ugu dambeeyey adeegga talefan ee Facebook Messenger bixiyo, kaas oo isna ku xidhan keliya in qofka aad doonaysaa uu qudhiisuna online yahay iyo in aad marka hore adeeggan ku casuunto, laakiin dhinaca tayadiisa aad loo ammaanay dad badan oo jooga dhulka internet-kiisu fiican yahayna ay ku beddesheen isticmaalka talefanka gacanta ee caadiga ah oo isagu mar kasta lacag xisaabsan.
Adeegyada isgaadhsiineed ee internet ku soo kordhiyey ee loo arko in ay dan u yihiin dadka ama ugu yaraan ay ka furanayaan kharashaadka badan ee talefanka ku bixi jiray waxaa isaguna ka mid ah, mid dhowaan ay soo kordhisay shirkadda bar-kulanka bulshada ee facebook oo isagu dadka jooga dhulka aan internet ka lahayn u fududaynaya in ay adeegyo badan ku helaan internet la’aan. Waxa aanu qayb ka yahay hindise cusub oo la baxay Internet.org oo hal-ku-dheggiisu yahay, Qof kasta oo innaga mid ah. Meel kasta oo uu joogo. Ha xidhiidhsanaado.
Adeegga Internet.Org Waxaa iska kaashaday shirkadaha ay ka mid yihiin, SAMSUNG, NOKIA, Facebook, Ericsson, MediaTek iyo Opera, ujeedkiisa guudna waa in Saddex-meelood laba ka mid ah dadka dunida oo maanta aan helin adeeg hufan oo internet, gaar ahaan kuwa deggen baadiyaha iyo dhulka Qarfaha ahi ay helaan adeegyo bilaa lacag ah oo u suurtogelinaya in ay dunida ku xidhnaadaan iyaga oo aan internet u baahnayn. Barnaamijkani marka uu dhamaystirmo dadka dunida ee aan internet ka haysan waxaa u fududaan doonta iyaga oon internet u baahan in ay geli karaan bogagga muhiimka ah ee internet ka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha caafimaadka, shaqaalaysiinta, iyo macluumaadka deegaankooda. Sidoo kale waxa ay bilaa internet ku geli doonaan Facebook, Facebook Messenger, barnaamijka cimilada ka warama ee AccuWeather, adeegga baadhista ee Google Search, iyo adeegga Wikipedia. Meesha ugu horreysa ee adeeggaasi ka fulayaa waa dalka Zambia ee Koonfurta qaaraddan Afrika, laakiin tijaabada kadib waxaa lagu baahin doonaa dunida oo dhan.
Barnaamijyadani waxa ay ka duulayaan aragtida ah in boqolkiiba 85 meelaha dunida lagaga nool yahay uu gaadhay adeegga talefanka gacanta, laakiin boqolkiiba 35 ka mid ah dhulkaas aanay haysan internet ama uu ku adag yahay. (Tixraac: © 2012 The South African Civil Society Information Service)
Sannadihii u dambeeyey waxaa soo kordhayey cabashada ay dadka dunida saddexaad gaar ahaan Afrikaanku ka tirsanayeen shirkadaha is-gaadhsiinta oo adeegyada ay bixiyaan oo marka horeba tayadoodu xun tahay ku iibiya lacag aad u badan, taas oo aan u dhigmin heerka nololeed ee dadkan oo dabcan aan ka maarmayn isticmaalka talefanka gacanta oo hadda ku soo biiray asaasiyaadka nolol maalmeedka dunida. Mac-hadka AICD oo ka dhisan dalka Australia ayaa warbixin uu dhowaan soo saaray ku sheegay in caqabadaha ka jira Afrika uu ka mid yahay qiimaha qaaliga ah ee lagu iibiyo hadalka talefanka gacanta, biyaha iyo laydhka. Warbixintan ayaa uu Mac-hadka AICD ku sheegay in sababaha qaaliga ka dhigay ku hadalka talefanka gacanta iyo internet ay ka mid yihiin; Qiimaha marka hore adeegyadan laga soo siinayo shirkadaha Afrika ka hawlgala oo ka qaalisan dunida kale, maadaama oo wax-soo-saarkoodu ka hooseeyo, iyo sababta labaad oo ay warbixintu ku sheegtay “Maamul xumo dhinaca shabakadda ah oo shirkadahan haysata” Sababaha kale ee labadaas soo raaci kara waa tartan la’aan shirkadahani ay ku haystaan suuqyada Afrika, oo dal kasta ay ka jirto hal shirkad isgaadhsiineed oo suuqu kelideed ugu xidhan yahay awood dowladeed ama sifo kale oo nidaamka ganacsi ee dunida baal marsan.
Haddaba khubaro badan oo arrimahan ka faallooda ayaa saadaalinaya in haddii dadaallada socda ee shirkadaha internet ka ee caalamiga ah iyo kuw is-gaadhsiintu wadaan iyo weliba ol’olayaasha dunida ku soo kordhay ee ah in caawimooyinka dadka baahan la siinayo iyo taageerada lagu daro Tiknoolajiyadda ay taasi dadka reer Afrika u suurtogelin doonto in ay mar uun ka raystaan shirkadaha talefannada gacanta ee qiimaha qaaliga ah iyo tayada liidata isku darsaday. Waxaana la filayaa in internet ka oo awoodaystaa uu abuuri doono in dadku ay helaan habab kale oo ay cod iyo qoraalba ugu xidhiidhi karaan gudaha iyo dibadda dalalkoodaba iyaga oo aan marin khadka lacagta badan ee talefanka.