Taiwan Oo Soo Dhawaysay Baaqii Senator Ted Cruz Isla Markaana Sheegtay In Anay Shiinaha Ka Tirsanayn

0
19

Hargeysa(Geeska)Xafiiska Taiwan ee Somaliland ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabayo baaqii Senator Ted Cruz, oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha Afrika ee Senate-ka Maraykanka, oo ku taliyay in Washington ay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Dhanka kalena waxay sheegtay in anay ahayn qayb kamid ah Shiinaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Taiwan ay ku faraxsan tahay in Senator-ku uu muujiyo taageeradiisa ku aaddan aqoonsiga Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay ku jirto danta qaranka Maraykanka. Sidoo kale, xafiisku waxa uu xusay in Taiwan ay horeba ula yeelatay wada-hadallo iyo is-faham la xidhiidha arrintan dalal iyo saaxiibo ay isku fikrad yihiin, ayna rajaynayso in taageeradaasi sii ballaadhato.

Taiwan waxa kale oo ay sheegtay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu ku salaysan yahay qiyamka dimuqraadiyadda ee ay wadagaan, isla markaana ay rajaynayso in ay taageero kaga heli doonaan dunida.
Dhanka kale, Taiwan waxa ay sheegtay in aan marna laga xukumin Beijing intii ay jirtay sidaa darteedna anay waxba ka jirin sheegashada Shiinaha. “Shiinaha iyo Taiwan midna midka kale ma xukumo, Shiinuhu waligii ma xukukim Taiwan hal ilbidhiqsi.”
Shiinaha oo markale si deg deg ah uga soo jawaabay qoraalka Taiwan, ayaa sheegay in Beijing ay masuul ka tahay Taiwan isla markaana ay tahay dowlada qudha ee sharciga ah, sidaas darteedna uu hadalka Taiwan yahay marin habaabin.
Sidoo kale, Xafiiska Somaliland ee Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay u liici doonin cadaadiska Shiinaha, isla markaana ay la shaqaynayso cidkasta oo ay isku fikiryihiin sida Maraykanka iyo Taiwan.
Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha oo dhinac ah ayaa aad uga soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isla markaana waxay dadaal ku bixinayaan in anay helin aqoonsi, dhanka kale Taiwan iyo Somaliland ayaa ku dadaalaya in ay samaystaan xidhiidho caalami ah.