Hargeysa, 10/4/2015ka,
Waa farriin-tacsiyeed oo uu ii soo diray wiil la yidhaahdo Mujaahid Mukhtaar Ibraahin Cismaan (mudane_calin@hotmail.com) isaga oo iga tacsiyadaynayay geeridii xaqa ahayd ee ku timid wiilkaygii Mujaahid Diiriye Boobe, 28kii Maarj, 2015ka. Waxaan jeclaystay in aad ila wadaagtaan aniga oo uga fasax qaatay Mujaahid Mukhtaar in aan daabaco oo aynu wadaagno. Waan tifaf-tiray aniga oo u idmanaa, faallayn aad u koobanna waan raaciyay.
Waxaanu ku bilaabay:
"Innaa Lillaahi Wa innaa Lillaahi rajicuun,
Waxaan tacsi tiiranyo leh kaaga soo dirayaa geerida kugu timi in kasta oo ay geeridu tahay mid xaq ah oo qof waliba marayo oo la wada sugayo. Haddana waxa aan meesha ka maqnayn in laga dareen-celiyo marka ay waajibadka Ilaahay soo rogay ay yimaaddaan; waxanaan Ilaahay ka baryayaa in uu samir iyo iiman sareecan ah kaa siiyo geerida kugu timid adiga iyo qoskaagaba, meesha uu ka baxayna Ilaahay wax ka khayr badan kuugu beddelo maalinta aakhirona Jannadii Farsawsa ha isku kiin tuso.
Cabdiraxman, adeer waxaad tahay shaqsi qaranka Somaliland dal iyo dad ahaanba ugu hiiliyey hibada Eebbe kugu deeqay ee ah qalin iyo af-tahannimo, waxana dhaba in dal iyo dad ahaanba la tebi doono marka aad meesha aad ku jirto ka baxdo.
Magacayga, waxa la yidhaahdaa Mukhtaar Ibraahin Cismaan waxaaanan ka mid ahaa innammadii ku dhashay magaalada Hargeysa 23kii Ogos,1974kii. Waxa kale oo aan ka mid ahaa innammadii ku hanka weynaa ee sugayey in aan mar uun indhaha ka qaado labada wiil ee aanu walaalaha ahayn oo ka mid ahaa ciidankii ku-tala-galkoodu ahaa habeenkaa magaalada Hargaysa in ay soo galaan; sidaan moodaynay u a ay dhicin oo mid ka mid ahi wuxu ku shihiiday guda-galkii ciidankii Cadaadley galay, ka kalena wuxuu ku baxay gacanta cadowga markii laba habeen lagu jiray magaalada Hargaysa.
Waxyaabaha ma-guuranka maskaxda ku noqday waxa ka mid ahaa markii uu dagaalku socday 13 habeen, aniga oo walaalladay daydayaya geeri iyo nolol ayaan maalintii 14aad is-idhi xaafaddii ku noqo si aan hooyaday iyo labadii carruurta ahaa ee iga yar-yaraa aanu meel ugu wada sugnaanno. Xaafaddayaduna waxba kamay fogayn dooxa magaalada Hargeysa halka ay beeraha madheedhku ka bixi jiray ku yaalleen, immikana laga dhisay Hutelka Dalxiis. Meel Hutelkaa xaggisa bari ah oo aan xaafadda ka fogayn ayaan ugu imid aabbahay oo dhawac ah oo qori Faal-guray ah ku dagaallamaya. Halkii baan la jogay ilaa ay naftu ka baxday oo aan ku caawiyey wixii aan ku caawin karayey oo ahaa in aan biyo iyo rasaas kolba meel uga doono.
Waxan erayadiisii ka sii xasuustaa: "U malayn maayo in aan makhribka gaadhayo ee marka ay naftu iga baxdo kabahana igu aas, calaamadna ku dhigo meesha aan ku geriyaday, hana kuu suntanaato dagaalkana ha ka bixin."Mujaahid Mukhtaar, ereyadiisii tiiraanyada cokanaa, wuxu ku soo gunaanday:
"Waxaan hadalka uga socdaa, haddanu nahay ubadkii ay dhaleen dadkii dalkan xoreeyey in aan kula qabno xanuunka geeriyeed ee adiga iyo qoskaagaba ku yimi."
Lillaahiu Darrak! Sow tii Gaashaan-cadde hore u yidhi: "Inta siidhku nool, soddon-jirku ugu weyn yahay, iyo weliba siiyaal."
Markaasaa, 34-guuradii halgankaa hubeysnaa ee Mujaahid Mukhtaar farta inoo daray, xuskiisii looga baxay gamboolay iyo giiryaalayaashii fayfka sudhay ee meelo baas iyo reero muskood tegay, maantana soo gury-noqday ee guul aanay lahayn sheeganaya.
Dhammaad.