“Taawar Aanaan Ogeyn Oo Meel Laga Taagi Karaa Ma Jiro”

0
555

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaantay in qorshaheedu yahay sidii loo ilaalin lahaa daryeelka iyo caafimaadka Ummadda, loogana hortagi lahaa qorshe kasta oo waxyeleo ku ah, waxaanu si gaar ah u xustay in aan la baalmari karin sharcigii iyo xeerkii ay ka soo saartay Tawarrada.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Wasaaraddiisa, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu mar kasta ka fikirino oo aanu ilaalino daryeelka iyo caafimaadka umadda, aanu xilka u hayno, ahmiyadda iyo muhiimadda koowaadna waa in aanu ka ilaalino wax kasta oo dhib ku ah, sidaas darteed Sharcigii aanu ka soo saarnay Taawarrada cid ka talaabsan karta ma jirto,Taawar aanu ogeyn oo meel laga taagi karaana ma jiro, cid kasta oo jabisa sharciga, talaabo adag ayaa laga qaadi doona”.

Mar uu ka hadlayey qorshaha Wasaaraddiisa ayaa yidhi “Qorshaha aanu wadno waa sidii aynu horumar uga gaadhi lahayn Isgaadhsiinta, Tignoolajiyadda iyo Boosaha, kolay xanuunkii Covid 19 ayaa hakad inagu keenay, laakiin dedaalladii iyo horumarkii weynu wadnaa, qorshaheenuna wuxuu yahay sidii aynu Caalamka ula jaanqaadi lahayn”.

Mar uu baaq u dirayey Shacabka ayaa yidhi “Shacabka reer Somaliland runtii waa Shacab aad iyo aad u wanaagsan, laakiin waxaan ku dhiirigelinayaa oo aan kula talinayaa inay noqdaan mar walba Shacab isku duuban, oo dalkooda meel uga soo wada jeesta, kana dheeraada wax kasta oo qaranimadooda dhibaato ku keenaya”.